X

Xasan Culusow maka hadli karaa muddo korodhsiga Kiiniya ee Kismaayo

Kiiniya ayaa Axmed Madoobe ugu dartey hal sanno oo muddo kordhina ayadoo xilligii loogu daray uu ka dhamaaday. Uhuru ayaa la sheegay inuu sidaan u yeelay asagoo ka hortagaaya madaxweynaha cusub ee Kiiniya.


Kiiniya aya muddo 12 sanno joogta Kismaayo magaaladana dibedda ugam bixi karto, waxayna keensatay Axmed Madoobe oo la eryaday ilaa xadka Kiiniya. Su;aasha aad is weydiin karto ayaa ah Xasan Culusow maka hadli karaa muddo kordhintan?

Jawaabta saxda ah ayaa ah inaanu ka hadli karin muddo korodhsiga Axmed Madoobe hoos iyo korna waayo Kiiniya qayb ayay ku lahayd soo bixitaankiisa sidaas darteed nimanka qayliyana waxba meesha kuma hayaan ayuu qabaa Cali Calasow.



Hadduu inyar oo caqliya leeyahay ha soo istaago warbaahinta toosna ha ugu hadlo ayuu raaciyay Cali Calasow jaa kumaba dhaco. Sheekada Kiiniya iyo Kismaayo iyo Axmed Madoobe ayaa ah jugjug meeshaada joog.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.