X

Xasan Culusow oo sidii hore loo ogaa dib u dhigay bixitaanka askarta Afrikaanka

Waxa dib loo dhigey bixitaanka askarta Afrikaanka ee hadda loo bixiyay ATMIS ayadoo qorshuhu ahaa in bisha soo socota ay dalka ka saaraan laba kun oo ka mida laakiin taasi ma dhacayso.



”Afhayeen u hadlay kooxda Xalane ayaa sheegay in dib loo dhigey ayadoo la ogaa inay qayb ka ahayd dib u soo celinta fadhiid Xasan Culuisow oo dabadhilif weyn u ah kooxda Xalane ayna keensadeen.

”Horaa loo ogaa wax cusub maaha waayo waxay ku jirtey qorshaha lagu soo celiyay Xasan Culusow ayuu yiri Cali Calasow hadda go’aanka ka bixida gacanta uguma jiro maamulka ay soo dhisteen kooxda Xalane ee iyaga ayaa korodhsanaya ayuu raaciyay Cali Calasow.



Askarta ATMIS la baxday ayaa qorshuhu ahaa in ugu dambeyn dalka laga saaro bisha Diisambar ee sanadka soo socda haddase taasi ma dhacayso.

Dabadhilif Xasan Culusow ayaa ku yimi shaadhka kooxda Xalane asagoo la ogaa inaan la siinayn fursad kale.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.