November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Xasan Sheekh oo magaalada Dhuusamareeb u tagaya shirka gobolada dhexe oo u eg mid cakiran

IMG_4739[1]Muqdisho-Araabinews–Xasan Sheekh ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qaybgalaya shirka gobolada dhexe kaasi oo la filayo in uu furo kana codsado in shirka loo wareejiyo Cadaado halkaas oo ahayd halkii markii hore lagu heshiiyay.

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada C/raxmaan Tuuryare ayaa Xasan Sheekh uga horeeyay Dhuusamareeb halkaas oo ay sii diyaarinayaan soo dhaweynta iyo ilaalinta Xasan Sheekh.

Beelaha degan gobolada dhexe ee Dir, Hawiye, beesha shanaad iyo Daarood ayaan wali ku heshiin sidii wax loo qaybsan lahaa waxana jira qaar isa soo sharaxay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS