Wednesday, November 29th, 2023
header










Meta







Xasan Sheekh oo ogolaaday in khubaro ajaaniba u farsamayeen la hadalka uu kula jiro kooxda gooni goosadka ee la baxday Somaliland+FAALO

sawir-466x350[1]Jabuuti 21 Dec 2014–Kulankii u dhexeeyay Xasan iyo Siilaanyo ayaa laga soo saaray qodobo dhamaantoodba ku qodoma kuwii ay taageerayaasha gooni goosadka wateen sida in khuburo lagu daro wadahadalka Xasan Sheekh iyo Siilaanyo iyo in Siilaanyo iyo maamulkiisu u madax banaanyahay in ay si toosa ula galeen heshiisyo shirkadaha caalamiga.

Dadka badankiisa ayaa is waydiinaya waxa kooxda Xasan Sheekh goobta la tagtey maadaama qodobadan badankoodu yihiin qodiobadii SNM loogu soo qorey Addis ababa.

Taageerayaasha ajaanibta ayaa iyagu danaynaya qodobka ah in deeqaha aan la siyaasadeyn iyo mashaariicda dib u dhiska. Waxay kale oo maamulka Siilaanyo ku guuleysteen in sheekada laga durkiyo Somalida dhexdeeda lagana dhigo sidey jecelyihiin ee ah in arintu noqoto caalami..shirka xigana Turki lagu celiyo.

Xasan Culusow ayaa faramadhnaan la soo noqdey halka hawadiina uu ka galay wadahadal. Waxana run noqotey in aanu ahayn wadahadal ee uu yahay mid ku kooban laba jufo oo marar badan sheegta in ay soo wada dagaalameen.

Hoos ka akhri qodobada oo dhan:

In la dar dargeliyo wada hadalada labada dhinac, isla markaana waqti lagu jaangooyo.

In arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah lagu dhiirado, lana fuliyo waxyaabihii horey loogu heshiiyay.

In laga fogaado wax kastoo wada hadallada carqalad gelin kara

In aan la siyaasadeen deeqaha beni’aadannimo, maashaariicda dib u dhiska lana dhiirageliyo.

In la fuliyo heshiiskii hawada ee labada dhinac u dhaxeeyey, iyadoo hab farsamo lagu saleeyo.

In Wada hadalada laga qeyb geliyo dowladda Jabuuti, marka loo baahdo.

In  si wadadjir ah looga wada qeyb-galo wada hadallada labada dhinac u dhaxeeya, iyadoo khubarro farsamo iyo dowlado saaxiibo ah oo ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland loo saaro arrintaan

In wada hadalada xiga ay dhacaan  26-27-ka ee bisha February ee sanadka soo socda laguna qabto magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, si arrimahaan loo sii ambaqaado.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Diyaarad Nayjeeriya ka timi oo rakaabkeedii wacdaro ku qabsadeen Sacuudiga

November, 15, 2023
Qisada diyaarad laga leeyahay dalkaasi Nayjeeriya oo Sacuudiga ...

Ururka samafalka MG oo London ku doortey gudoomiye cusub

July, 24, 2023
Ururka samafalka ee MG ayaa caawa gudoomiye cusub ...

Samaroon isagaa halkaa is dhigay Dhulbahantana guushaa u dhow

July, 12, 2023
Siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi ayaa sheegay in Dhulbahante ...

Qisada xanuunka badan ee Umu Salamah (xaaskii rasuulkeena (SCW)

June, 6, 2023
Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey ...

Maxaa keenay in doorashada Turkiga xilligan uu adduunku isha ku hayo?

May, 13, 2023
Turkigu kama mid ahayn wadamada xilliyada doorashada isha ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...