Muqdisho-Araabinews–Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh ayaa waraaqihiisa aqoonsi ka gudoomay safiirka Somaliya u fadhin doona dalkaasi Yurubta Bari Woqooyi ee Serbia. Waxa aad u sii kordhaya wadamada caalamka ee raba in ay xiriir la samaystaan Somaliya.
Danjire Zikovic oo isna halkaasi ka hadley ayaa sheegay in dalkiisa uu Soomaaliya kala kaashan doono adeegyada waxbarashada, beeraha, tababarka mihnadaha dhalinyarada, sayniska,caafimaadka iyo kuwo kale oo horumarineed.
”Muhimad balaaran ayay inoo leedahay tababarada mihnadaha. Horumar badan ayaan ka sameyney laamaha kala duwan ee waxbarashada, laakiin tababarka mihnadaha ayaa u baahan in la sii xoojiyo si shaqo loogu abuuro dhalinyaradeena.
Waa hubaal in haddii gacan balaaran la inaga siiyo dhinacyada mihnadaha iyo sayniska in wax badan oo horumar ah laga dareemi doono waddanka”.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay