X

Xasuuqii caasimada Afqanistaan oo gaaray 60 ardaya iyo argagixisada Taalibaan oo iska fogeeyay

Waxa sii korodhey xasuuqii caasimada Afqanistaan ee Kaabul halkaas oo sadex qarax oo is xig-xiga loo dhigey dugsiga hablaha xilligi rawaxaada. Qarax hore oo aad u xoog weynaa ayaa xataa la helin hilbaha gabdhaha qaar.


Labada qarax ee kale ayaa iyaguna sii xasuuqay dadkii u soo gurmaday gabdhahaas ardayda ah. Waalidiinta dhalay gabdhahan ayaa welli raadinaya hablihii ay subaxnimada u soo direen.

Waxa cajiiba argagixisada Taalibaan oo iyagu diiday waxbarashada gabdhaha ayaa iyagu iska fogeeyay si cajiibana u cambaareeyay markii ugu horeysay, waxayna eeda dusha uga tuureen kuwa ka sii xun ee Daacish.


Dhiigmiiratada Daacish ayaa iyagu ka aamusay taas oo loo malaynayo inay ka dambeeyeen laakiin iyagoo diidan in la sii naco go’aansaday inayna sheegan.

Inkastoo ardayda dhigtaa u badnaayeen caruur waxa la wada ogyahay in labada dhiigmiirataba u haystaan waxbarashada gabdhaha mid xaaraana.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.