Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa ka sheekeeyay dhacdo aad u fool xun oo oday 40 jir ah kula kacay gabadh 5 jira oo hadda uu ninkaasi u xiran yahay. Gabadhaas yar ayaa waxa soo gaartey dhibaato xoogan.
Waxa uu sheegay in ehelada gabadha dhashay ay hadda leeyihiin waan ka heshiinay ee Odayga hala soo daayo taas oo uu sheegay inay tahay caqabad.
“Ninka afartan jir waaye Xooggiisa waa uu i kala jabin karaa gabadh aan qaadi Karina dhib weyn ayuu u gaystey, halkaan waxaa ku jira Hooyadii & Aabihii & ehelkii oo leh waan heshiinay ee hala iska dhaafo”.
Hadalka xeer ilaaliyaha ayaa u muuqda in dalku ku socdo sharci Bakistaani oo intey gabdhaha dilaan qoysku haddana yiraa waan cafinay hadaan qoyska nahay oo ujeedadu tahay in wax lo dhimo xoriyada haweenka ee dalkaasi.
”Waan maqley hadalka xeer ilaaliyaha waxaanse oran lahaa sharciga hala mariyo arimaha noocana si loo badbaadiyo haweenkeena oo hadda caruurtii la dhaafi waayay ayuu yiri Xirsi Tooxow oo Muqdisho jooga.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS