Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac ayaa ka fal celiyay kufsi iyo dil Kiiniya ka wado gobolka Gedo. Waxa uu sheegay xildhibaanka in ciidanka Kiiniya ay dhowaan Shan gabdhood ku kufsadeen gobolkaasi.
Sidoo kalena ay duqeyn cirka ah ku laayeen shacab aan waxbo galabsan iyo xoolo badan. Kiiniya waxay tijaabinaysa damiirka dadka Somaliyeed.
”“24-kii July ciidamada Kiiniya waxay kasoo tallaabeen xadka, Shan Gabdhood ayeey jidka u galeen oo ay kaxeysteen, waxay geeyeen goobtoodii, Afar saac oo subaxnimo kufsigii ay ku bilaabeen illaa 8-saac ayeey kufsanayeen, gabdhihii oo suuxsan baa niman Odoyaal ah meesha kasoo qaaday” ayuu yiri xildhibaanka.
Wuxu ku baaqay in dawlada Somaliya ka falceliso falalka guracan ee Kiiniya markasta ku haysto shacabka xad beenaadka ku nool.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay