24/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xildhibaan Jeesow oo kabaha la dulmaray horjooge Siciid Deni: federaal saan miyaa

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow ayaa kabaha la dulmaray horjooge Siciid Deni oo cunaqabatayn saaray gobolka Hiiraan oo ganacsatadu gobolkaasi wax ka soo degsadaan dekedda qaranku dhisay ee Boosaaso.



“Aad ayay nasiib daro u tahay in Somaliya dhexdeeda cunaqabatayn isa saarto, mana filanayn in federaalku sidaan dhib u keenayo, dadka Somaliyeedna way ka xun yihiin ayuu yiri Daahir Jeesow.



Hadda ma arko horjooge Siciid Denigii aan aqaanay ee aan iskula jirney xukuumadihii kala duwanaa ee dalka. Waxa hadda yimi horjooge Siciid Deni labaad oo u tafaxaytey inuu burburiyo qaranka ayuu raaciyay Daahir Jeesow.



Wuxuu dhinaca dhaliilay horjoogaha Hirshabeele oo awal hoostegi jirey Butlaan haddase ku mashquuley inuu kolba qof eryo. Somaliya kuma jireyso sidan ee ha tashato.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS