X

Xildhibaanada Koofur galbeed oo muujiyay laandheerinimo

Waxa wadatashi magaalada Baydhabo isugu imaan doona dhaman xildhibaanada maamulka Koofur galbeed oo markii ugu horeysay muujiyay isku duubni iyo kala dambeyn. Arintan ayaa timi markii Rooble baahane uu carqalad ku furey doorashada.


Baahane oo ka amar qaata xarunta Xalane ayaa ku kacay farogelin uu ku sameeyay habsami u socodka doorashada. Waxana isla mantaba loo hambalyeeyay isla xarunta Xalane.


Xildhibaanada oo hadlay ayaa yidhi in shirkooda ay kaga hadli doonaan masiirka degaannada Koonfur Galbeed iyo sidii looga hortegi lahaa kuwa diidan horumarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isla markaana shirkooda ay Warmurtiyeed kasoo saari doonaan.



Xildhibaanada Koofur galbeed ayaa ah kuwan ugu badan ayaa cida ay taageeraan ay guushu raaci doontaa.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.