November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Xisbi ka tirsan Norwey oo ku dhawaaqay in dhalashada lagala noqdo Xasan Kheyre

Kadib magacaabistii Xasan Kheyre ayaa xisbi ka tirsan xisbiyada Norwey soo jeediyeen in dhalashada lagala noqdo raiisal wasaaraha cusub oo haysta dhalashada Norwey.



Warar kale ayaa sheegaya in uu misna haysto dhalashada Ingiriiska oo laba meelood iska dhiibey iyo in uu si sharci ah ku qaatey dhalashada Ingiriiska kadib muddo uu ku noolaa Ingiriiska.

Dadka indha indheeya siyaasada Somaliya ayaa qaba in Xasan Kheyre oo u shaqayn jirey shirkad loo samaystey shidaalka Somaliya uu halis ugu jiro in uu si musuqa ku qaybiyo kheyraadka dalka.



Shirkada SomaOIL e ah ta loo samaystey kheyraadka dalkena ayaa iyadu markiiba eridey Xasan Kheyre halka dhinaca kale la sheegayo in uu iscasiley.

C/llaahi Warmoooge

ARAABINEWS