X

Askari lagu ridey xukun dil ah

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 27aad ayaa Maanta waxaa ay soo xirtey kiiska dil qof Shacab ah loogu geystay duleedka Magaalada Baladweyne, kiiskan oo heerar Kala duwan soo maray.


Dilka qofka Shacabka ah ayaa waxaa loo heystay Saddex askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dawladda, waxaana Maxkamada Ciidamada ay Maanta xukun dil toogasho ah ku riday mid ka mid ah askarta oo  lagu Magacaabo Maxamed Ibraahim Axmed, kaas oo la sheegay in dilkaasi uu ka dambeeyay.


Waxa la sii daayay kan kale oo lagu waayay inuu furey wax rasaasa. Maaha markii ugu horeysay ee la xukuno askar haysta dilal.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.