Maamulka Siilaanyo iy Kulmiye ayaa ku kharash garaysay shakhsiyaad kooban lacagtii ugu badnayd ee siyaasad loo isticmaalo. Shan siyaasi oo kamid ah siyaasiyiinta Somalilamd ayaa isu gayn ahaan waxa jeebka loogu shubay lacag ku dhow Milyan.
Sida ay sheegayaan xoggo rasmi ahi, wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Samaale oo dudmo kaga maqnaa Xisbiga KULMIYE tan iyo wixii ka danbeeyay xil ka qaadistiisi, ayay xoguhu tilmamayaan in gacanta loo galiyay 30,000$ ( Sodon boqol oo kun oo dollar) taas oo keentay inuu dib ula midoobo Xisbiga KULMIYE.
Jamaal Cali Xuseen oo isna murashax ka aha Xisbiga UCID, ayaa tanasuulkii uu Muuse Biixi murashaxa xisbiga KULMIYE u sameeyay ka hor waxay Madaxtooyadu farta ka saartay lacag qadarkeedu dhama 600,000$ ( Lix boqol oo kun oo dollar) taas oo heshiisku aha inuu si rasmiya ula midoobo Xisbiga KULMIYE.
Geesta kale Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha Xisbiga UCID oo muddooyinkii danbe dabada ku hayay maamulka Siilaanyo iyo Kulmiye ayaa isna waxa lacagta ay Xukuumaddu siisay gaadhaysa 25 000$ ( Shan iyo labaatan kun oo doolar) oo isugu jira lacag cadaana iyo guri loo siiyay.
Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed oo ka cadhooday shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI, ayaa isna la
gudoonsiiyay qadar lacageed oo dhan 40,000$ (Afartan kun oo dolar) lacagtaas oo isugu jirta kaash cadaana iyo mid guri loogu iibiyay, guriga loo iibiyay Axmed Muumin Seed ayaa ku yaala eeriyada Huteelka Maansoor, wuxuuna ka soo horjeeda guriga wasiirkii hore ee Degaanka Gacamay.
Sidoo kale Pro. Axmed Ismaciil Samatar oo dhawaan ku biiray Xisbiga KUlMIYE ayaa kamid ah siyaasiyiinta lacagta xad dhaafka ah la gudoonsiiyay.
Arintan oo noqonaysa markii ugu horeysay ee sixirka siyaasadda Somaliland halkaas gaadho. Lacagahan faraha ayaa badankooda ah lacagihii masaakiinta iyo kuwo maamulka Siilaanyo soo daabacdo.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay