Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Xogo cusub oo khashifmey: Qoraa Cabdi Shotali

Qof kaste oo is yidhaaha wax qari, oo hadana afka boodhka soo marso, dafir oo waxad isku qarin kartaa ciiro, wakhtiga baa shaaca uga qaada dadkii uu is lahaa ku khalad beenta, ee kolba shaadhka aan jirin loo soo gashanaayey. Maanta waxan idiin hayaa xogo cusub oo rabbi kashifay.

Waxa la yidhi nin aad u liitay oo la odhan jirey “Bacaluul”, oo aan cidi wax u dirin jirin, baa maalin ayaamaha ka mid ah, is yidhi wax aad isku cadayso samee, mudo markuu si kaste u rog-rogay maskxa-diisii yarayd, ee nooc walba u baadhay, baa aakhirkii uu meel aan loo fadhiyin ka fad-kudiyey, ilayn waa magac doone, oo wuxu rabaa in uu maanta dabadda iska gooyo’e, dabeed waxa loogu maah-maahay Bacaluul Is Qaad-qaad” Oo micnaha ku jiraa uu yahay, ninkii la quudhsan jirey, wax iska dhig buu is yidhi, ka bacdina, wax uu korodhsado daayoo, waa ka dhooqo sii dhex fadhiistay. Aan ku soo dhawaado halka ay islaantu adhiga agoonta uga lisi kari wadaye, iga hooya waa tan xaqiiq-diiye.



Nin Baa beri guri madhan intuu galay, oo uu qol madaw isku xidhay, farta ka dhex taagay, isaga oo is leh cidi ku arki mayso, isla markii uu ka soo baxay guriggii, baa dadkii ugu horeey ee ay ishiisu qabatay ugu yeedheen ” Ina Far Taagaw bal waran” Wuu yaabay oo wuxu yidhi yaa i arkaayey in aan qol maadw farta ka taagay” waxa loogu jawaabay “Xagga alle baa lagaa kashifay”, halkii baanu kula baxay ” Ina Far-Taag”. ujeedo iyo haatan ninka La yidhaaho Cabdiraxmaan Saylici, baa maanta galay jagaddii bacaluul iyo ina fartaag, oo xaga samadda laga soo kashifay, iga qabo warkii oo dhan akhristaw aan kuu bilaabo’e. Inan uu adeer ruma u yahay Saylici, la yidhaaho magaciisa “Cabdiraxmaan Araweeloo” oo qandaraas lagu siiyey soo dejinta hubka lagula dagaalamo Beesha Sacad yoonis, isaga oo Cabdiraxmaan Saylici ugu gudbiya Gaafaadhi, taas oo uu isna isu sii dhaafiyo Beesha la yidhaaho Baho, ee ay is hayaan Sacad Yoonis.

Qaabka Hubka loo soo dejiyo, iyo meelaha laga soo dejiyo ee dhul xeebeedka ah, halkan hoose ka akhri waa tane:-



(a) Waxa laga soo dejiyaa Saylac ee gobolka Awdal, siiba demadda “Lug-haya, oo ay degan yihiinb Beesha Saylici ee la yidhaaho ” Maxamed Case”
(b) Tuulooyinka uu hubku ku soo xidhaa waxa ay yihiin ” Tuuladda Biyo Cas” oo 43KM bari ka xigta Lug-haya.
(c) Tuuladda ” Ido-Cadays” oo 5KM u jirta Lug-Haya.
(d) Tuuladda “Hadayta” oo 28Km bari ka xigta Lug-haya.

Hadaba Muxuu yahay wiilka uu adeerka u yahay Saylici ee qandaraaska hubka la siiyey, waa tan taariikh-diisu ee isna ku soo dhawaw:-

(1) Cabdiraxmaan Araweelo waa ” Wiil Bah-Habar Celi ah.
(2) Waxa Dhalay Ninkii Wakhtiggii Madax-weyne Riyaale, haysan jirey ciidanka badda ee Gobolka Awdal ” Kornayl Araweelo”
(3) Intii ka horeysay 2018kii, Yarku wuxu gacan yare u ahaa, Ninka ka ganacsadda Xashiishadda iyo hubka ee ay askariga ilmaadeer yihiin, ee leh “Shirkadda SomCable” waa Kaybalka badda laga soo jiido’e ( Cable Tv), ee dadka badan lagu xidh-xidhay ( Xataa ilaa iyo xil-dhibaano), qaarna weli u xidhan yihiin ilaa hadda.



(4) Sidda loo geeyo bari waxa weeye oo qaadda, wiil ay saylici isku hayb yihiin ” Bah-Habar Celi”, oo la yidhaaho ” Xasan Kuuriya”
(5) Waxa hubkaa lagu soo dejiyaa, lagana qaadaa goor habeenimo ah Guriga Gaafaadhi.
(6) Gaadhiga lagu qaado Hub-kaas Waa land cruiser (Laan-Kuruusar) ah GT ( Gaadiidka dawladda) kaas oo aan cidina baadhin. markuu sido, ee ku sii wado aagaas colaadu ka oogan tahay.



(7) Dabaqa ugu dheer Boorame (gaar ahaan suuqa sariibadda) ee loo yaqaano Axmed Gurey, wiil-kaas baa dhawaan dhistay, taas oo lacagta uu ka helay hubka uu ka iibiyo baho-Biciidda. Lacagta marka hore lagu soo iibiyo hub-kaas, waxa qandaraas si hoos ahaan ah u sii bixiya Mamulka askarta.

Waxan ku soo xidhay war-bixintan iyadda ah, waxa weeye maah-maah-ddii ahayd ” Qudhaan-jooy naa ku quuuso” Ninkii nabad u fadhiyeyaw, war lagu sii oo xaal halkaas buu marayaa, oo waa run reer Awdala way wadda og-yihiin, wax caad ka saaran yahay ma jirto, ee aday kuu taal hadaad rumaysa-nayso iyo haddii kale-ba

* N.B Bacaluul Is Qaad-Qaad ( Waa Sayliciye).

Qore:- Abdi-shotaly.



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...