X

Xoogaga dooxada Banjiir ee Afqaanistaan oo diley 15 ka tirsan dhiigmiiratada Daalibaan

Wararka laga helayo dooxada Banjiir ee dalkaasi Afqaanistaan ayaa sheegaya in weerar ay soo qaadeen dhiigmiiratada Daalibaan looga diley 15 halka ay dhaawac ahaan uga carareen tobaneeyo sida ay qoreen arbaahinada Afqaanistaan.


Warar kale ayaa iyaguna sheegaya inay meyd ahaan uga carareen sideed halka tiro intaas leegna dhaawac ay tahay. Qowmiyada ku nool dooxadan barakaysan ee Tajiga yaa u diidey inuu cadow lugaha soo geliyo.

Dhiigmiiratada Daalibaan ayaa inta badan ah qowmiyada badhaanka oo iyagu degna ilaa Bakistaan, waxana jira Carab xagjira oo dumarka Afqaanistaan kaga tagay caruur farabadan.


Dooxadan ayay adag tahay sida lagu galo maadaama ay leedahay hal albaab oo laga galo lagana baxo, waxana jabin kari waayay quwadii weynayd ee midowgii Soofeeti oo dabcan iyagu aan isku hawlin maadaama dadka degan ay yihiin Tajik degan isla midowga Sooofeeti.


Waxa la sugayaa maalmaha soo socda inay xaaladu kala cadaato, waxase muuqata in argagixisada u dhiiran tahay inay weerar kale qaado, waxana dhici doonta in Usbakistaan iyadna xoreysan donto dadkeeda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.