X

Argagixiso isku soo dhiibay ciidanka dawlada xilli deegaano badan laga eryay

Dhiigmiirad ka tirsan argagixisada Shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta isku soo dhiibay ciidanka dawlada ee jooga deegaanada Galguduud ee laga xoreeyay. Dhiigmiiradkan ayaa lagu magacaabaa Cali Ibraahim.


ā€¯Waxaan ka soo goostey deegaanka Ceelbuur oo hore loo eryay argagixisada laakiin haddana ay ka baxeen ciidankii Itoobiya xilligii Milas Sanaawi ayuu yiri Cali Ibraahim.


Cali Ibraahim ayaa sheegay inuu argagixisada u qaabilsanaa dhinaca daawada. Maaha markii ugu horeysay ee ay isa soo dhiibaan dhiigmiiratada shabaab iyo kuwa u adeega ee shilimaadka yar loo tuuraa.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.