X

Xukun shareeco oo lagu fuliyay dhalinyaradii kufsadey ardayad deegaanka Galdogob: SAWIRO

Xukun shareeco ayaa manta lagu fuliyay shan dhalinyaro oo ku kacay shan dambi hal oo midba ka kale ka daran yahay. Xukunka ayaa ka dhacay Galdogob.

Maxkamada oo dadweyne badan ay ku sugnaayeen ayaa waxay xukuno kala duwan ku riday dhamaan dhalinyaradii ku lug lahaa dhibaatada gabadha loo geystay.



 

Dhalinyaraada oo gaaraya ilaa 5-ruux ayaa Xukunkoodu u dhacay Sidan

1-Shirwac Jamac Junle: 200 oo jeedal, 10 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.
2-Yaasir Maahir Xaashi, 200 oo jeedal, 8 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.
3-Ayaanle wale, 100 jeedal, 7 sano oo xarig ah, ganaax lacageed.
4-Yaxye Awkax, 100 jeedal, 6 sano oo xarig ah, ganaax lacageed.
5-C/risaaq Xoosh Jibriil, 100 jeedal, 5 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

Dhamaan dhalinyarada ayaa xukunka kadib loo qaaday magaalada Gaalkacyo halkaasi oo looga sii gudbin doono magaalada Garowe si ay xabsiga sanadaha ah ugu dhameystaan.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.