X

Xukuumada oo si isku mida uga jawaabin daadadka iyo eedayn loo jeediyay

Gudoomiye xigeenka labaad ee aqalka sare Mowliid Xuseen Guhaad oo saxaafada la hadley ayaa ku eedeeyay xukuumada uu hogaamiyo Xasan Cali Kheyre iyo wasaarada gargaarka inayna masiibooyinka jira si isku mida uga jawaabin.


Waxa dawladu markiiba jeebka ugu riday horjooge Siciid Deni lacag dhan hal milyan halka dadka Baardheere iyo Buurdhuubo ee daadadku ka qaadeen saracii aan haba yaraatee waxba loo qaban.


Tani waxay muujinaysaa in xukuumadu ku fashilantey inay cadaalad u fasho dadka ay ka wada masuul tahay. Dadka ay daadadku saameeyeen ee gobolka Gedo ayaa hadda sagaal cisho helin wax gargaara.

Waxa daadadka webiga Jubba ku waxyeeloobay dad gaaraya 500 oo qoys oo ilaa hadda sugaya gargaarkii ay xaqa u lahaayeen.

C/llaahi Warmoge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.