X

Yaa isku aaday ciyaaraha is reeb reebka naadiyada Yurub

Waxa mardhow la shaaciyay isku aadka ciyaaraha naadiyada Yurub ee kubada cagta. Waxa wareegan u soo baxay 16 kooxood oo wada ciyaari doona Laba is arag oo mid walba garoonkooda lagu ciyaari doono.


Xulka Liverpool ee dalkaasi Ingiriiska ee hadda haya koobka naadiyada Yurib uuna tababare u yahay nin Jarmala ayaa lagu aadiyay naadiga adag ee reer Isbayn ee Atletiko Madrib.

Hoos Ka sii akhri naadiyada kale iyo is aragooda.


Riyal Matrib iyo Manjester Siti

Boroshiya Dorman iyo Baariis sanjeeman

Jelsi iyo Baayen Munikh

Liyoon iyo Yufantus

Barsaloona iyo Naaboli

Tootanham iyo RB Lipsig

Atalanta iyo Falansiya


Ciyaarta kama dambeysa ayaa lagu ciyaari doonaa caasimadda labaad ee dalkaasi Turkiga ee Istaanbuul 30 bisha Shanaad ee sanadka 2020.

Warbixintii Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.