12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Yaa ka masuula dabkii baabiiyay 150 meheradood oo dadku ku noolaayeen Wajaale

Yaa ka masuula dabkii baabiiyay 150 meheradood oo dadku ku noolaayeen Wajaale. Waxa habeen hore dab xoogan qabsaday 150 meheradood oo isku meel kuwada yaala demada Wajaale.



Dadka ayaa sheegay in dabdamiskii uu ku fashilmey inuu baqtiiyo kadibna loo qaylodhaan tagey magaalooyinka waaweyn ee ku dhow sida Hargeysa iyo Boorama intaasna dabku waday baabinta hantida.



Nidaamka khariban ee loo dhisay goobahan ganacsi ayaa iyaguna qayb ka inuu dabku sii xoogeysto oo u helo marooyin uu sii gubo siina huriya taasna waxa ka masuula maamulka ka dhisan meesha oo nidaamin waayay dadkan danyarta ah.



Muuse Biixi oo isna ku fashilmey inuu tago goob ay ku noolaayeen dad aad u farabadan oo hadda bilaa shaqo badankooduna kaceen waxna ka gaysto.

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=Gx-M_Bnd__s[/embedyt]

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS