Thursday, August 18th, 2022
header










Meta







Yaa khasaaray ama faaiidey shirkii Turkiga maxaase bedelay siyaasada Xasan Sheekh+kacdoonka Adal: QORMADA MAANTA

images[4]Shirkii Turkiga ee ay fashiliyeen Somaliland (SNM) ayaa dad badan iswaydiinayaaan cida khasaartey siyaasad ahaan iyo cida faaiidey, waxa kale oo dadku aad isku waydiinayaan sidee Somaliland(SNM) markale u heli kartaa fursad noocana yaana wadadii ay ku helaysay sumcada saxaafadeed dib ugu soo celin kara.

Hadaan u daadego suaasha yaa khaasaray shaki kuma jiro in wadahadaladan socday ay Somaliland(SNM) dan u ahayd waayo waa iyaga kuwa dhalaanka ugu sheekeeya dawlad ayaan nahay waxaanan la soo noqonay madaxbanaanidii iyadoo aan ognahay in aanu jirin dal laga go,ay iyo mid madaxbanaani lagala soo noqdey.

Waxa qadiyadaas Ingiriiska saxaafadoodu taageersanayeen ilaa sanado badan waxa inta badana laga sheekayn jiray dhibaatooyin ay tirsadaan iyadoo dhinaca kalana la qariyo kuwa iyagu gaysteen.

Hadana rajada kaliya ee ay qabaan waa in Ingiriisku ku cadaadiyo Xasan Sheekh in uu bugtii hore ku wado oo uu inkiro dadka deegaanada Woqooyiga ka soo jeeda sidii uu hore u samayn jiray..yaa fikirkiisa bedelay waa suaasha sadexaad.

Yaa faaiidey dabcan waa dawlada Somaliya iyo inta u arkaysay in Xasan Sheekh ku socdo wado qaldan xilli dagaalo ay ka jiraan dhamaan gudaha magaca Somaliland..Waxa hoos u dhacaysay awooda dawlada Somaliya iyadoo la adeegsanayay laba magac oo aan jirin oo ah ”Somaliya iyo Somaliland”.

Yaa bedelay fikirka Xasan Sheekh waxaa hubaala in kacdoonada ka jira Awdal ay wax ku leeyihiin in Xasan Sheekh joojiyo xaqiraada uu ku hayo dadka reer Woqooyiga ah, waxa kale oo jira in siyaasiyiin ka tirsan jufada Xasan Sheekh oo uu dhegeysto ay iyaguna kula taliyeen in sharaf xumada dalka ka daayo.

Siyaasiyiinta reer Khaatumo oo ku adag midnimada iyagana kaalintooda weyn lama ilaawi karo. Isku soo duub wado baryo aan ahayn uma furna Somaliland(SNM) in ay wadadii hore ku soo noqoto. Waxase dhici karta in taageerayaasha gooni goosadka ee Ingiriiska ay la yimaadaan talaabada xigta waana mid u baahan in il gaara lagu hayo.

Maxaed Yuusuf

ARAABINEWS nagala soo xiriir araabimedia@gmail.com

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Rasaas ka dhacday aas loo sameeyay dhalintii Muuse Biixi xasuuqay

August, 17, 2022
Waxa rasaas ka dhacday xabaalo lagu aasayay sadex ...

Ruushka iyo Shiinaha oo bilaabaya dhoolatus ka nixiyay Maraykanka

August, 17, 2022
Wasiirka difaaca Shiinaha ayaa xaqiijay inay ka qayb ...

Wakiilkii tuugsiga ee Xasan Sheekh magacaabay oo cidla la dhigay

August, 16, 2022
Kulan ujeedo gaara laga lahaa ayaa RW Xamse ...

Maxaan ka ognahay aabihii fanka Somalida Cabdi Sinimoo

August, 16, 2022
Balwadii baxsatoo baray qabatee baabuur maku baadi doonaa ...

Odayada Samaroon oo calaacal la soo istaagay warbaahinta

August, 16, 2022
Xilli beesha dhexe ay isku dayayso inuu horjooge ...

Dhacdooyinka

Somali galbeed oo welli ka qatan mashaariicda waaweyn

August, 1, 2022
Inkastoo deegaanka Somali galbeed ay ka nasteen colaadii ...

Maxaa ugu wacan in Xasan Culusow sheegan kari waayo siyaasada qaranka?

August, 1, 2022
Xasan Culusow ayaa madaxweynaha Masar ee martida uu ...

Xulafada ka dhanka ah reer galbeedka oo wadamo Muslimiina ku biirayaan

July, 14, 2022
Sidii Maraykanka iyo kooxda uu hogaamiyo ay weerar ...

Ruushka oo sheegay in askarta Maraykanku ridayaan madaafiicda Yukrayn

July, 12, 2022
Kadib markii madaafiic lala eegtay suuq shacabku ku ...

Jarmalka oo Ruushka ka baryaya inaanu ka goyn gaaska xilli ay haysato

July, 12, 2022
Jarmalka ayaa ka mid noqday kuwa dabada haysta ...

Itoobiya oo kumanaan dadkeeda ah ka soo guraysa Afrika iyo bariga dhexe

July, 10, 2022
Wasaarada arimaha dibedda ee Itoobiya ayaa sheegtay inay ...

Ruug cadaa qarxiyay sir weyn iyo fadeexad haweenkii shilinka la siiyay

July, 10, 2022
Ruug cadaa Welli Xuseen ayaa qarxiyay haween masaakiina ...