15/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Yaa ugu badan argagixisada ku jira jeelasha Sucuudiga

Warbixin uu Sucuudigu soo saaray ayaa lagu sheegay dadka ugu badan ee ku jira jeelasha Sucuudiga ee loo haysto falalka argagixisnimo iyo wadamada ay ka kooban yihiin.


Wasaarada arimaha gudaha ayaa sheegtay in jeelasha Sucuudiga ay ku jiraan ilaa 5085 qof oo loo haysto falal argagixisnimo. Waxa ugu badan dadkaas Sucuudiga oo gaaraya ilaa 4254 halka ay ku xigto Yaman 282 iyo Siiriya oo gaadhaya 218.

Waxa min hal qof oo ka socda wadamada Faransiiska, Beljim iyo Kanada.


Wadamada Carabta waxa ugu badan Masar 57, waxayna iskugu xigaan sidatan

 Suudaan 18,Falastiin 21, 7 Somali ah, 5 Ciraaqi ah.

2 Marooko ah, 3 Lubnaana, 19 Urduna, 2 Muriteeniya ah


2 Imaaraati ah, 19 Baxrayna, 2 Qadara.

Wadamada Eeshiya iyo Afrika waxa ugu badan Bakistaaan oo 68 maxbuus jeelka ku jiraan waxan ku xiga Hindiya oo 10 maxbuus leh. Halka Itoobiya 3 maxbuus kaga jiro iyo Nayjeeriya oo afara.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS