Wednesday, May 8th, 2024
header










Meta







Yaa ugu hadal adkaa oo diidey hadalka Trum ugu saxiixay Yuhuuda buuraha Golan

Aduunka ayaa dhinac ka maray xagjir Trum oo Yuhuuda u saxiixay dhulka Suuriya ee ay ku qabsatey hubkii Maraykanka sanadii 1967 kadib markii Masaaridu uga baxdey dagaalka oo dhinaceeda joojisay. Taas oo keentay in Yuhuuda oo saacadiiba u soo degayeen hubka Maraykanku ay eryadaan Carabta Urdun iyo Suuriya.



Inkastoo Ruushku hubka ugu badan siiyay Masar iyo Suuriya hadana dhinaca taangiyada ay ku liidatey Suuriya oo ma gaarayn halkii loogu talogalay, halka Masar oo casri haysatey la khiyaamey.

Yuhuuda ayaa kadib dhirbaaxo kulul ku dhufatey Carabta Urdun iyo Suuriya oo aan fileyn sidaana ugu fidey dhulka maanta ay degan tahay.



Hadaba yaa ugu hadal kululaa yaana ugu hadal jilicsanaa oo la jira Trum

Waxa ugu hadal kululaa wadamada Ruushka, Ustaraaliya, Turkiga, Lubnaan, iyo Iiraan oo dhamantood sheegay in Trum qaadi doono wixii ka yimaada talaabada uu keligii qaaday xagjir Trum. Waxayna sheegeen in ay arintan geyn doonaan Qaramada Midoobey oo Maraykanku ku leeyahay codka diidmada.



Yaa ugu hadal liitey dhana ka raacsan Trum

Waxa ugu hadal liitey dhana ka raacsanaa Trum waa wadamada wahaabiyada Sucuudiga, Kuwayt iyo akhwaanka Qadar. Sadexdan wadan oo midba dhinacooda ka watey argagixiso xukunka katuura ama burburiya dalkaasi xadaarada lahaa ee Suuriya.

Si kastabba ha ahaatee mar haddii argagixisada laga xoreeyay Suuriya waxa si aada u soo noqotey awoodii Suuriya oo ujeedadu ahayd in maabka aduunka laga tirtiro.



Trum ayaa Yuhuuda keenay hubkiisa gantaalaha lagula dagaalamo iyo diyaradaha asagoo rajaynaya in talaabada uu qaaday ay kordhiso in Yuhuuda la soo weeraro. Waxana cad in la sii diyaariyay intaanu ku dhawaaqin inuu Yuhuuda u aqoonsadey dhulka Suuriya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...