X

Yaa wada ictiraaf raadinta dibedda maamulka Somalilaan mar hadduu kii gudaha burburey

Waxa muddo dheer algu kala tagey sheekada ictiraaf iyo waan go’nay iyo 1960-kii ayaan dawlad ahayn oo dhamaan beena laakiin hadda isla waxgaradka beesha dhexe garwaaqsadeen inaan been la sii sheego iyo cuqdad la geliyo dhalinyarada aan ictiraaf keenayn ama meel lagu gaadheyn.


Haddaba sheekada ictiraaf raadinta oo baryo hore qolyaha qurba joogtu wadi jirtey ayaa muddo sanado ahba faraha laga qaaday, waxana loo aanaynayaa dhowr arimood.

Waa ta koowaade in beeshii ugu badneyd beesha dhexe ay joojisay beentii la dhuri jirey iyo waxaan ahaayn dawlad la ictiraafay halka runtu tahay inayna jirin wax dawlad Somalilaan la yiraa 1960 ayna marnaba jirin, ee kaliya afarta cisho la sugayay inta Koofurtii Talyaanigu gumeysanayay xoriyada la siinayo.


”Koofurta Somaliya xilliga la siinayo wax cad ayay ahayd oo qaranadu ogaayeen maadaama Talyaaniga loo ogolaaday inuu 10 sano ku gaarsiiyo xoriyad ayuu yiri Xuseen Warsame.

Haddaba waxaad is weydiin kartaa yaa wada ictiaraf raadinta baryahan socota oo inta badan ah dalal dano gaara leh oo markii ay dawlada dhexe waxba ka waayeen siiba tan hadda jirta, ay is yiraaheen dhinaca Woqooyiga wax ka raadsada.


”Waxa u horeeya Ingiriiska oo isagu welli ka hari la in horumar laga sameeyo ictiraaf raadinta, waana isaga kan kolba dawlad Afrikaana oo diciifa soo diraya ayuu yiri Xuseen Warsame.

”Taywaan waxa wata Maraykanka oo Shiinaha u diidan kheyraadka badda ee Somaliya waana ta uu u keenay Hargeysa ayuu raaciyay Xuseen Warsame

Waxa cidkasta oo Woqooyioga degan ku qanacsan tahay in sida hadda la yahay la iska ahaado inta qaran xoogan ka dhalanayo Koofurta oo si nabada ku soo gaara Hargeysa, inkastoo ilaa hadda ayna jirin hogaan adag dawladaha reer galbeedkuna rabaan in dalku sidan ahaado oo jufo kasta meel oodato.


”Waa sababta Somaliya dastuurka looga bedelay ee la yiri qaata Federaal uuna hirgeliyay fadhiidka weyn ee Shariif Sh Axmed Summa walla ayuu yiri Cali Calasow.

Faysal Waraabe oo cuqdad abuurka iyo ceyda Somalida lagu yaqaano ayaa yiri bal horta inagu aan is ictiraafno intaan cidkale ictiraaf weydiisanin.


Waxase hubaala in Somali u baahan tahay kacdoon cusub oo dalka sifeeya waayo waxaad is weydiin kartaa intee in leeg ayuu dalku ku sii jiri karaa sidan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.