X

Yaa wax dooranaya ma xildhibaano mise guddi doorasho maxaase gaalo loogu baahdey

Waxa sanadka dambe la filayaa in doorasho la mida tii fadhiid Xasan Sheekh ee isagu guddiga doorashada uu soo xushey kadibna sameeyay maamul jufeedka Hirshabeele si dib loogu soo doorto ay ka dhacdo. Xilligan waxa jira guddiyo doorasho oo ay soo wada saareen dawlada dhexe iyo maamul jufeedyada.


Guddiyada doorasho ayaan haba yaraatee wax shaqo ku lahayn soo xulista xuldhibaanada dooranaya gudoonka barlamaanka iyo madaxweynaha, waxayna keliya yihiin ama ku egyihiin waraaq qorid.

Iyadoo haddaba la dhameeyay nidaamka guddi doorasho waxaad is weydiin kartaa ujeedada ay leeyihiin kooxda isku magacowdey musharxiinta oo dabada ay ka riixayaan shisheeyaha. Waxyaabaha ay dalbadeen waxa ka mida in ciidanka qaranka laga saaro Gobolka Gedo si Kiiniya u maamusho.


Waxa kale oo ay dalbadeen in shisheeye goob joog ka ahaado doorashadana lagu qabto xerada Afisyoone oo hadda gaalada AMISOM joogto. Kaaga sii daran waxay dalbadeen in horjoogaha aqalka aan loo baahneyn ee lagu magacaabo Aqalka sare isaga looga dambeeyo soo xulista gobolada Woqooyi.

”Ujeedada waa gaalooy i arkaay, waxayna qayb ka yihiin olole dalka lagu khalkhal gelinayo oo la rabo in gaalo tiraa eega isma maamuli karayaan. Ku darsoo kuwa sidan leh waa fadhiidyadii shalay ay diideen isla xildhibaanada soo noqonaya ayuu yiri Cali Calasow.


Boqolkiiba 80 waxa soo noqonaya xildhibaanada hadda fadhiya marka waxaad is wydiin kartaa waxa ciida laysugu qarinayo. ”Ilaahay xukun nooguma dhiibo ayuu yiri C/raxmaan wheliye oo Muqdisho waan soo aragney waxay qabteen.

Horjooge Siciid Deni oo ay isku halaynayeen ayaa isagu sheegay inaanu ku jirin oo guddiyada doorasho ay hore u gudbiyeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.