Kooxda gaalaynta Muslimiinta ee shabaab ayaa qarax lagu soo xirey gaari ka fulisay agagaarka isgoyska Taleex. Gaariga qaraxa lagu xirey ayay qaraxiisa laga maqley degmooyinkas u dhow.
Goobta qaraxan ay la eegteen ayaa ah goob mashquula oo shacabka aad u maraan laakiin waala ogyahay inay yihiin goobaha ay ugu jecelyihiin.
Waxa goobta gaaray ciidamo booliisa oo aan ka fogeyn halkaasi. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen xilliga uu qarxayay gaariga in aysan jirin cid saarneyd.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in ilaa 4 ruux oo goobta ka ag-dhawaa ay ku dhaawacmeen kadibna loola cararay isbitaalka uGu dhow. Shalay ayay markii kooxda gaaleyntu miino ku dishey laba ruux, halka isla maantana ay dileen laba qof oo kale.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS