Friday, April 19th, 2024
header










Meta







Yaab Ninkii Rabaa Ha Yaabo , Yaabna,Yaaqdu Kaama Goyso!!!!

Yemen-tu waa umaddo Dowladoodii baaba’day oo soo miciinsaday ,Djabouti & Somaliland , dadka yamanidu waa dad ku wanaagsan , Isdhex-galka Bulshada , waana dad xirfadleh , shaqaystana.



Dowladii hore Somalia markay burburtay yemen ayaa qoxooti badan oo soomaali ahi u qaxeen, si wanaagsana waa ula dhaqmeen dadka yemanidu .
Bulshadeenu ma ogola wax kastoo anshax-xumo keenaya , iyo dhibaato ku ah bulshada Muwaadin haduu sameeyo qof Ajaanib ahi , marnaba ka yeeli mayno wixii dhaqankeena iyo diinteenu raali ka ahayne , Balse waxaa ahristoow ama muwaadin , Jirta arin Doraad ka soo yeedhay ,



Ninka Gudoomiyaha Hayada Qoxootiga iyo Barakacaayasha XINIF Iyo Ku xigeenka W.A.Gudaha ,oo ay kaga dhawaajeen In yemanidu Hubka iyo Xashiishada ka ganacsato, Hadaba hadii ay jirto iyaguna yementaasi ka ganacsadaan , ma cadaynkaro Nimankaasi barakaca ku yimid .
Balse waxaan hubaa inuu Askariga ilmadeeradii ka ganacsadaan intaasi kor aan ku sheegay , wargaysyada caalamigiina sheegeen , (Indian



Ocean news ) East africa news iyo the guardian . Markaa walal ma kuwaasi kor aan ku sheegay mise masuuliyiintaasi Somaliland ah ayaa been sheegaya ? Kuwa Somaliland Cid gaara ayaa soo dirtay si ay u hadlaan , Nimankani waxa saaran cadaadis sidaasi ayey masaakiinta dusha looga u dambi uga saarayaan, sidaan wada ognahay waxaa cadaadis xoogle la saaray dowlada jabuuti ,sababta loo saarayna waa Ninkani Hubka ka ganacsada ayaa muwaadinkaa reer jabuuti ee ina Aw-Saciid.
Berina waxaan maqli doonaa waa la celinaynaa qoxootiga yementa waayo iyagu dambigaasi dusha laga saaro , Sida runta ahna wargaysyadaasi sheegeena tixraacana leh , la iska indho tiro dhabtuna ay tahay waxaa ka ganacsada muuse inadeerkii, waanan ogayn bishii hore ee Augost 2018 Baaqa ka soo baxay Wadamada reer galbeedka una horeeyo maraykanku saarayna , cadaadiska dowlada jabuuti!!!

Muwaadiin Su’aashuse maanta waa GANACSADE ASKARIGA INADEERKII IYO QOXOOTIGA YEMENTA MAXA KALA HAYSTA ?!?!?



Hogaamiyaha oo kaa xumaadaa waa ma siibo wayn!!! “Ka_ganacsiga_Hubka_xashiishada_Daroogada_Diinteena_Islaamku_waa_Hadaamaysay”!!! “Nin weyni ilaa uu ceeboobo ma dhinto ” Sida halka sare ka muuqataa waa iska xaalkaa uun “Yaab Ninkii Rabaa Ha Yaabo , Yaabna Yaaqtu Kaama Goyso”!!!! Yaabtu waa geed aad u jirid wayn oo dooxooyinka ka baxa jiridiisa aad ka yaabayso wayni inta ay le’eeg tahay.
G.Awdal oo Sumcadiisii dhulka gashay Askariga iyo Ina Aw_Sacid ka ganacsiga Hubka sharci daro iyo xashiishadii ugu badnayd Beriga Africa kusoo hoobatay gobolkaasi.

Gobolka Awdal oo xuduud la leh dalka yemen oo dagaalo ba’ani aafeeyeen, ayaa noqday , Mudooyinkii ugu danbeeyey guud ahaan Geeska Africa , bilihii ina soo dhaafay Saxaafada caalamku Hadal haysay , In lagu eedeeyo Ganacsade Askariga Ilmadeer yihiin. Gobolkii ugu badnaa Abid ka ganacsiga hubka sharci darada ah & Daroogada Xeebaha gobolka Awdal Oo Ina Aw-Saciid Hubka iyo xashiishka ka soo dejiyo ama laga dhoofiyo.



Gobolkasta sumcad lagu yaqaan ayuu leeyahay, waar ilayn Gobolka Awdal waaba Aasan yahay sumcad xumadii abid ugu xumayd ayaa soo gaadhay, shacabka deegaankaasina waa u awood sheegtaan maleeshiyaadka Ina awsiciid oo saldhigooduna ku yaal lughaya ,kana amar qaataan ina awsiiciid , ciidankaasi oo leh gaadiid casri ah xaruntooduna tahay Tuulo lagu magacaabo (Fuguxo, Abdi geedi, lughaya ,Awdal .Somaliland )
Hubka iyo xashiiska looga faa’iidaysto ka ganacsigooda , Askarigoow waxaad lahayd 2 bishii September 2018 Hantida aad bilowday sidaad , Liiska hantida qaranka ee aad u kitaab furtay ku tagri- falkooda maalintaasi . Sida hadalkaaga ka muuqday aad tidhi sidatan :- Anagaa ka masuula ,Bada , Beriga & Buuraha , hadaad masuul tahay , Sideed danbi aad leedahay dad qooxootiga yemanida ah danbiga dusha uga saartaan, haday jirtana ayna badnayn , dadka muwaadiinta ah ayaan soo dejin karayn , waaba qof qoxootiyee , wallow aan oganahay inadeerka ina lagu soo eedeeyey ka ganacsoga hubka iyo xashiishka mararaykankuna cadaadis kusaaray ganacsadaha , Reer Jabuuti .



Askariyoow waxaad tahay Tuugii ugu ganacsiga xumaa geeska africa adigaa iyo ina aw-Siciid ayaa qaatay qarnigan , Ulel Amri ma noqon kartid mar hadaad xashiishka & Hubka ilayn inadeerkaana waa kuu wakiil waanad is xaal og tihiine Maanta kaama yeelayno.
Aniga waxay ila tahay oo soo jeedinayaa In kacdoon la sameeyo si looga dhiidhiyo waa xaraane ganacsigaasiye , Si sumcada gobolka loo soo celiyo lana dhaafiyo maleeshiyaadka danaha gaarka ah wata . Sidaasi ayey ku jirtaa maslaxada if iyo aakhiro mar hadii uu ilaahay xarimay xashiish iyo hub lagu dilo qof bini’adam ah oo waxba galabsan ama lagu qarxiyo.



Waa xaqiiqo hubkaasi awdal laga soo dejiyey qoomiyadkasta oo lagu baabiyey geeska africa walee reer Awdal waa kala dhinteen mana noqon doonto raad wanaagsan mustaqbalka dhow & ka fogba . Kalsoonida aad run ku sheegtaa , Waa awoodaha Eebe ku manaysto Umadiisa , Waana heer la gaadho , “Runsheeg waa rabi yaqaan ” Bulshadeenu ka runta sheega , waxay ka jecel yihiin , Ka beenta meelahaasi dhura , durbaanka beenta ahna , meelahaasi ka tuma .



Maqaalkayga Waxaan ku Dabaalay , Sidaan wada Ognahay Geeska africa waxaa saameyey , Roobka mahiigaanka ah geeska africa ka da’aya wuxu nadiifinayaa dhamaanba cidii tigree ku xidhnayd waana soo afjarmay xashiishad iyo hub laga ganacsado , Waana qiilkii reer galbeedku ku doonayeen inay xididada u siibaan tigree kalkaalkii ay ka mid ahaayeen maamulada soomaaliya .Geeska africa barwaaqo iyo bashbash ayaan u rajaynayaa Aduunkana waa laga ilbaxay dagaal iyo hub waxaase lagu badashay horumar taaba-qaaday tubtana haysta……

NB. (INDHO CIR WEYNI , CADAAB MA ARKAAN)
FG. “MAAL QABEEN CEEBAYSANI , MAAL WAXBA KAMA TARO”
ALLAA-MAHADLE

QQORE:- Mukhtar Ali Aden (Africa )
EMAIL: yaabe99@hotmail.com



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...