Dhawaan ayay ahayd markii wiilka madaxweynaha Yugaandha uu si cad u sheegay in waxa uu ku tilmaamay walaalihiisa Tigreega aan laga guulaysan karin oo ay yihiin rooxaan aan dhicin. ”Walaalaha Tigreega lagama guulaysan karo ayuu yiri Mahoosi oo ah jeneraalka ugu sareeya ciidanka Yugaandha ee uu dhalay Yuweeri Musafeni.
”Afhayeen u hadlay Tigreega ayaa sheegay in Yuweeri Musafeni u sheegay inaanu ku faraxsanayn waxa Tigreegu sameeyeen oo ah in lagu janiyo Canfar iyo Axmaaro oo dib aad u gurataan halkii ay ahayd inaan ku soo dhawaataan caasimada.
”Waxa laydinku dhigey gobolada Canfarta iyo Axmaarada maaha wax niyad ku jab ku ah taageerada aan idiin hayno oo keliya waase caalamku ku xumaaday ayuu sheegay afhayeenku laakiin waxba kama qaban karo.
Yuweeri ayaa qaban qaabiyay shir bil kahor aan uga digney madaxweynaha Somaliya inuu ka qayb galo oo lagu eedaynaayay dawlada Cabi Axmed, shirka ayaa fashilmay markii Maraykanku si cad u taageeray Tigreega.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS