X

Yukrayn oo madfac ku dishey maxaabiis badan oo Ruushku ka hayay

Masuuliyiinta gobolka Dombaas ee Yukrayn ayaa xaqiijay in madfac ay soo rideen ciidanka Yukrayn uu diley ugu yaraan 53 ka tirsan maxaabiis looga qabtey dagaalka.


Weerarka ayaa Yukrayn u adeegsatey madfac laga tuuro gawaadhida uu dhawaan Maraykanka siiyay. Ruushka ayaa hore u sheegay in madfaca laftiisa ay ridayaan Isla Maraykanku.


Maxaabiista goobta ay Yukrayn iskaga dishay ayaa ah kuwo ay rabtey in loo soo daayo ama ay ku bedelo kuwo kale. Ugu yaraan 40 ayaa goobta ku naf waayay halka ilaa 130 dhaawac soo gaaray.



Maxaabiistan jeelka ku jiray ayaa gaaraya 2000 looga qabtey dagaalkii ka dhacay magaalo xeebeedka bariga Yukrayn ee Mariyobul. Dagaalka Yukrayn ayaa si dadban ugu dhexeeya xulafada ku daba tukada Maraykanka iyo Ruushka oo keligiisa. Ruushka ayaa sheegay in sababta Yukrayn u dishey maxaabiistan ay tahay in Askari dambe isku dhiibin ciidanka Ruushka oo olaaliya xuquuqdooda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.