November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Jawaari oo la kulmey qaar ka tirsan musharuixiinta: SAWIRO

Gudoomiyaha barlamaanka Somaliya oo hadda ah shaqsiga kaliya ee u sareeya dalka lana doortey ayaa la kulmey qaar ka tirsan musharixiinta u tartamaya jagada madaxweynaha.


Sheekh Shariif Sheekh Axmed, C/raxmaan Faroole, Canab Maxamed Daahir iyo Maxamed Axmed Jabarti, ayaa la kulmay Prof’ Jawaari waxayna kala hadleen Doorashadda Madaxweynaha sida ay u dhacayso & hubinta in Doorashadu u dhacdo si hufan oo dooh furan.

Guddoomiye Jawaari ayaa Musharaxiinta u qeybiyay buugaag ay ku qoran yihiin taxanaha Doorashadda golayaasha sharci dajinta dalka laga soo bilaabo 1959-kii iyo habraaca Doorashadda Madaxweynaha iyo xeer hoosaadka u gaar ah.


Marka ay soo dhamaanto Doorashadda Guddoonka Aqalka Sare ayuu balan qaaday Mudane Jawaari in la samayn doono Guddi Baarlamaani ah oo soo saari doona jadwalka Doorashadda Madaxweynaha xilliga ay dhici doonto.

 




C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS