14/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Taliyeyaasha ciidamada oo dareemay cadaadis xoogleh iyo in shaqada laga eryo

Taliyeyaasha ciidamada oo dareemay cadaadis xoogleh iyo in shaqada laga eryo kadib kulan ay la qaateen madaxweyne Farmaajo oo raba natiijo sax ah.

Kulamadan ayaa u badnaa xisaabtan iyo wadatashi xaaladda ammaanka Muqdisho sidii wax looga bedeli lahaa kadib falal dilal ah iyo qaraxyo ku soo batay maalmihii ugu danbeeyay.

Taliyeyaasha ayaa dareemay cadaadis adag oo ka soo food saaray madaxweyne Farmaajo oo taliye kasta su’aalo adag weydiiyay, isla markaana ka dalbaday arrimo aysan awood u lahayn sida ay sheegeen saraakiil ku dhowdhow taliyeyaasha.

 



Taliyeyaasha ayaa lag amray inay la yimaadaan qorshe ay ku howlgalaan iyo inay qaataan mas’uuliyadooda iyadoo si cad loogu sheegay haddii aanay waajibaadka saaran kasoo bixi karin inay xilka isaga tagaan.

Guud ahaan waxa ka jira ciidanka darxumo dhinac kasta ah.

Arrintan ayaa keentay in taliyeyaasha ay dalbadaan mushaar joogto ah, saad iyo taakullo ka hor intii aan waajibaad lagu qabsan, waxayna ka hadleen baahi darran oo ciidanka ka heysata mushaarka, taakulada iyo saadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa balan qaaday in bilaha soo socda ciidamadu heli doonaan mushaar kadibna la xalin doono saadka, laakiin lagula xisaabtami doono waxqabadkooda.

Cadaadis madaxweynaha ayaa loo tirinayaa inuu ka horeeyo xil ka qaadis lagu sameyn doono dhowr ka mida taliyeyaasha ciidamada dalka kadib marka la magacaabo xukuumadda cusub.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS