13/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Haweenka Muslimiinta Ingiriiska oo saf u istaagay xarunta barlamaanka Ingiriiska kana xun xasuuqii dhacay: SAWIRO

Haweenka Muslimiinta Ingiriiska ayaa saf u istaagay argagixisada magacooda ku qadhaabta ee dad wadada maraya jiirsiiyay gaadhi. Waxayna sheegeen murugada ay la wadaagayaan dadkii wax ku noqday weerarkaasi.

Weerarkan waxaa fuliyay Nin 52-sano jir Muslim ah kaa oo gaari jiirsiiyay dad marayay buundada, waxa uu sidoo kale toorey ku dilay askari katirsanaa booliiska, waxaana weerarkan lagu tilmaamay mid argagaxiso.

Muslimiinta kunool dalka Britain ayaa aad u cambaareeyay weerarkan ka dhacay magaalada London, waxa ayna muujiyeen Muslimiinta kunool dalkaasi in aysan raali ka aheyn weerarkaasi ayna aad uga xun yihiin.



Maaha markii u horeysay ee shacabka Muslimiinta Inguiriisku ka dhiidhiyaan argagixiso kaliya ku diraya dadka ay la noolyihiin.

 



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS