Warshadii sonkorta ee Jowhar ayaa lagu bilaabayaa dib u dhis waxana la codsaday in la baneeyo sida warqad ka timi wasaarada ganacsiga ay codsatey.
Waxa la amrey dadka degan dhulkii warshada ay si baneeyaan. Warshadan ayaa la bililiqaystey markii reer galbeedku burburiyeen dawladii Somaliyeed ayagoo soo hubeeyay kaaba qabiilo.
Nuqul ka mid ah qoraalkaas oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cismaan Toxobow ayaa lagu sheegay in khubaro isugu jirta Soomaali iyo ajaanib ay sameyn doonaan daraasaadka dib loogu dhisayo warshadii sokorta ee magaalada Jowhar.
Dhowaan ayaa dowlad goboleedka Hirshabeelle waxa ay u sheegtay inay dib u dhisi doonto warshadii sokorta Jowhar iyo warshadii dharka ee Balcad.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay