Wasaarada arimaha dibedda ayaa war ka soo saartay wasiir ku xigeenka wasaaradaaas oo eedaysan oo ciidanka booliisku ku fashilmey inay soo xiraan. Wasiir Mukhtaar ayaa ku eedaysan musuqmaasuq.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay beeninaysaa dhammaan eedeymaha xaqiiqda ka fog ee lagu asteeyay waxa loogu yeeray “Musuq maasuq” ee warbaahinta ay mariyeen Hantidhowrka guud ee Qaranka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.
Waxayna caddeyn u tahay habka ay uga tallaabeen hannaanka hey’adaha dowladda ay ku wada shaqeeyaan oo ah dukuminti is dhaafsi, taasi badalkeeeda ay ku dhiiradeen inay meel uga dhacaan maamuuska iyo xurmadda Wasaaradda, sidoo kale ay sumcad dilaan Mas’uul dowladeed oo xilkii loo igmaday gudanaya, lana hayn caddeymo sugan oo ah sheegashadooda.
Ciidan boolis ah oo loo tababaray la dagaalan argagaxiso ayaa xoog ku jiiray Dhismaha Wasaaradda August 04, taasina waxay Wasaaraddu u aragtaa fal lagu burburinayay kalsoonida wada shaqeyn ee hore loo abuuray, laguna dhaawacayay heybadeeda.
Wasaaraddu waxay cambaareyneysaa falkaasi ciidanka ee sharci darada ah ee loogu xadgudbay sharafteeda iyo shirka jaraa’id ee Hantidhowrka guud ee Qaranka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ay ka jeediyeen hadallo been abuur ah oo aan asaas lahayn oo meel ka dhac ku ah sumcadda Wasiir kuxigeenka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay