Friday, February 22nd, 2019
header

Wasaarada arimaha dibedda oo war ka soo saartay wasiir ku xigeen eedaysan

Wasaarada arimaha dibedda ayaa war ka soo saartay wasiir ku xigeenka wasaaradaaas oo eedaysan oo ciidanka booliisku ku fashilmey inay soo xiraan. Wasiir Mukhtaar ayaa ku eedaysan musuqmaasuq.



Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay beeninaysaa dhammaan eedeymaha xaqiiqda ka fog ee lagu asteeyay waxa loogu yeeray “Musuq maasuq” ee warbaahinta ay mariyeen Hantidhowrka guud ee Qaranka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Waxayna caddeyn u tahay habka ay uga tallaabeen hannaanka hey’adaha dowladda ay ku wada shaqeeyaan oo ah dukuminti is dhaafsi, taasi badalkeeeda ay ku dhiiradeen inay meel uga dhacaan maamuuska iyo xurmadda Wasaaradda, sidoo kale ay sumcad dilaan Mas’uul dowladeed oo xilkii loo igmaday gudanaya, lana hayn caddeymo sugan oo ah sheegashadooda.



Ciidan boolis ah oo loo tababaray la dagaalan argagaxiso ayaa xoog ku jiiray Dhismaha Wasaaradda August 04, taasina waxay Wasaaraddu u aragtaa fal lagu burburinayay kalsoonida wada shaqeyn ee hore loo abuuray, laguna dhaawacayay heybadeeda.



Wasaaraddu waxay cambaareyneysaa falkaasi ciidanka ee sharci darada ah ee loogu xadgudbay sharafteeda iyo shirka jaraa’id ee Hantidhowrka guud ee Qaranka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ay ka jeediyeen hadallo been abuur ah oo aan asaas lahayn oo meel ka dhac ku ah sumcadda Wasiir kuxigeenka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Qalbi aniga waaye: Qiso naxdina oo walaalkeen qabsatey

February, 21, 2019
naxdinWarsame magaciisa saxda ah maaha waa shaqaale ka ...

Muuse Biixi oo loo sheegay inu la shaqeeyo dawlada dhexe

February, 21, 2019
Madaxa maamulka Somaliland oo looga yeetay Itoobiya,ayaa loo ...

Amisom oo laga saarayo xeradii tababarka ciidanka ee Jaalle Siyaad

February, 20, 2019
Ciidanka Afrikaanka ah ee guusha ka keenay la ...

Maxay ka wada hadleen madaxweyne Ismaaciil Cumar iyo Farmaajo

February, 20, 2019
 Madaxweyne Farmaajo ayaa ku sugan caasimada Jabuuti halkaas ...

Maxaa ka jira in Farmaajo Muuse Biixi kula kulmayo Itoobiya

February, 20, 2019
Waxa baryahan jirey warar sheegaya in raiisal wasaaraha ...

Dhacdooyinka

Ilhaan Cumar oo jawaab kulul siisay xagjir Trump

February, 14, 2019
Xildhibaanada laga soo doorto Minasoota ee dalkaasi Maraykanka ...

Muwaadin waxqabad dhaba lagu yaqaaney oo xil la wareegay gobolka Awdal

February, 13, 2019
Dr Maxamed Xaaji Cumar Yaabe oo dad badan ...

Puntland oo ogaatey halka argagixisada dilalka fulisaa isku qariso

February, 13, 2019
Masuuliyiinta Puntland ayaa sheegtay inay ogaadeen halka argagixisada ...

Siyaasi Cali Faarax oo si adag uga hadley dhalinta xustey xasuuqii SNM ee Awdal lagu xirey

February, 12, 2019
Siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi ayaa si adag uga ...

Saldhiga Imaaraadka aan Berbera ka siinay kiro maaha: Somaliland

February, 9, 2019
Waxa ilaa in muddo ah soo socotey sheekada ...

Dawlada Somaliya oo dacwad la fuushey maraakiib shisheeye

February, 8, 2019
Dawlada Somaliya ayaa dacwad la fuushey maraaiib ajaaniba ...

Boorama oo laga xusey maalinta madow ee 4-ta Feeberweri ee xasuuqii SNM

February, 4, 2019
Maalintan madow ayaa SNM oo wadata askartii Mingeste ...