03/05/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxa Somali galbeed oo magacaabay golihiisa wasiirada: ahkri liistada

Madaxa Somali galbeed Mustafe Muxummed ayaa magacaabay golihiisa wasiirada oo ka kooban 24 wasiir iyo laba maareeye.

Wasiirada ayaa xad dhaafa ayadoo jagooyinka ay hayaan qaarkood yihiin kuwo isku dhow ama hal wasaarad laga dhigi karo.



Golahan ayaa la horgeyn doonaa barlamaanka dawlada Somali galbeed oo la filaayo inay ansixiyaan. Waxa jirta cabasho xoogan oo ka timi magacaabistiisii ugu horeysay ee Mustafe Muxumed sameeyo oo reerkiisu wixiiba qaatey.

Waxa la yaaba in ay ku jiraan jagooyin wasiir loo xilsaaray sida wasiirka dooxooyinka, xeer ilaalinta, xoolo dhaqatada, telefishanka, iyo dhaqanka.



Hadaba hoos ka akhri liistada uu u gudbiyay xisbiga qaybtiisa fulinta.

1- Madaxweyne Ku/xigeen Mudane Aadan Farax Ibrahim

2- Wasiirka Biyaha Mudane Bashiir Shaafi

3-Wasiirka Maaliyadda Mudane Bashir Dubad

4- Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xasan Dhaadhi

5-Wasiirka Waxbarashada C/laahi Maxamed Muuse

6-Wasiirka Caafimaadka Dr Yusuf Maxamed

7-Wasiirka Beeraha  Mudane C/qaadir iimaan

8-Wasiirka Howlaha Guud Mudane C/fatax Sh Biixi

9-Wasiirka Ganacsiga Mudane C/raxmaan Axmed Xasan

10-Wasiirka Ka-hortaga Masiibooyinka Mudane Maxamed Cabdi

11-Wasiirka Qurbajoogta Mudane Xabiib Xaaji

12-Wasiirka Xeer-ilaalinta Mudane C/wali Jamac Ibrahim

13-Wasiirka Xoolo Dhaqatada Eng Maxamed Shaale Isaaq

14-Wasiirka Cadaalada Mudane Mubaarak Sh Cumar

15-Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha Mudane Xasan Aadan

16-Wasiirka Haweenka Marwo Ayaan Cabdi Shukri

17-Wasiirka Warfaafinta Guuled Aw Cali

18-Wasiirka TVET Mudane C/raxmaan Liid Daahir

19-Wasiirka Dooxooyinka Mudane Axmed Deeq Maxamed

20-Wasiirka Sayniska Mudane Axmed Naaji

21-Wasiirka Dhaqanka, Dalxiiska Mudane Ilyaas Abiib

22-Wasiirka Macdanta, Tamarta Mudane Lade C/wali

23-Wasiirka Dhalinyarada Mudane Xasan Faarax Cali

24-Maareeyaha Wakaalada, Jidadka  Sacaada Giire

25-Maareeyaha Wakaalada, Dakhliga Mudane C/laahi Cabdi

Soo akhrintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS