Faahfaahin dheeraada ayaa ka soo baxaya xasuuq kooxda gaalaynta Muslimiintu goor dhaweyd kka gaysatey Muqdisho gaar ahaan xarunta degmada Hawlwadaag.
Kooxdan oo ay la shaqeeyaan dad ku jira isla maamulada Muqdisho ayaa gaari ay ka buuxaan walxaha qarxaha la soo galay xarunta.
Afhayeen u hadley maamulka gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay dhimashada sadex askari iyo gabadh baari jirtey haweenka hawlaha kala duwan u imaanaya xarunta.
Waxa kale oo iyana jira dhaawac farabadan oo ay ku iraan caruur dugsi Quraan ku baranaysay meel ku dhegan xarunta degmada Hawlwadaag.
Xarunta ayaa gebi ahaanba si xoogan u burburtey. Waxa hadda laga hadlayaa intey galaafteen kooxda gaalayntu oo iyagu xalaashadey dhiiga Muslimiinta markey gaaleeyaan kadib.
Waxa xarunta soo gaaray khuburo ku takhasusey baaritaanada noocana inta badanse aan xogta la wadaagin sirdoonka Somalida.
Argagixisada ayaa ka mida dadka daawanaya halka qaarkoodna duubayaan si ay ugu gudbiyaan kuwii soo direy sidey wax u xasuuqeen.
Xilliga kooxdani gaariga la soo gashay gudaha xarunta waxa xarunta ka socdey adeegyada kala duwan ee loo qabto dadka degmada.
Waxa la is waydiinayaa sida kooxdan gaalaynta loogu ogolaadey inay soo dhaafaan albaabka xarunta.
ARAABINEWS




Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay