November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Shariif Xasan oo ku biiray maamulada samaystay wasiirada xilli lacagta masaakiinta loo baahnaa in iyaga dib loogu celiyo

images[1]Baydhabo 19 Dec 2014–Shariif Xasan oo hadda xulufo weyn la ah Xasan Sheekh ayaa isna ku birey maamulada magacyada bilaashka ku bixiya lacago badan isago ku dhawaaqay wasiiro uu dhisayo. Lacagta masaakiinta laga ururiyo ayaa gacanta u gasha maamulo aan tabar lahayn oo dad aan waxba soo kordhineyn siiya lacagaha masaakiinta.

Maamulka uu Xasan Sheekh siyaasad ahaan ku aqoonsaday ee uu madaxweyne ka yahay Shariif Sakiin ayaan wali lagu heshiin iyadoo uu jiro maamul kale oo uu hogaamiya Aadan Madoobe.

Si kastaba ha ahaatee nidaamka gobolaysiga ayaa Somaliua ku wada hog ayna ka soo kaban Karin iyadoo lacagtii masaakiinta ee lagu dhisi lahaa wadooyinka mishahar looga dhigo shaqsiyaad aan waxba soo kordhineyn.

Dhinaca kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in hadda kadib uu u aqoonsan yahay Axmed Madoobe magaca madaxweynaha Jubba kana bedelay magaii hogaamiyaha Jubba.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS