27/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Uhuru Kiniyaata oo dalbadey in lacagtii badda looga cuney loo soo celiyo

Farshaxaniistaha caanka ah ee Amiin Caamir ayaa sawir la yaable ka sameeyay madaxdii badda ka iibsatey ee Kiiniya ee ugu horeeyo fadhiid Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur.



Horjoogihii maamulkii ku meelgaarka ahaa ee xilligaa fadhiid Sheekh Shariif , wasiirkiisii koowaad Cumar C/rashiid iyo Wasiirkii Saxiixay C/raxmaan C/shakuur ayaa sawirka lagu muujiyey iyadoo Uhuru uu ka codsanayo inay soo celiyaan Lacagtii ay ka qaateen.



”Soo celiya lacagtii aad badda iiga canteen haddii kale waa la wada uunsan”

Mudooyinkii dambe waxaa si wayn isha loogu hayey dacwadda badda Soomaaliya, oo ay gudbisay dawladii Xasan sheekh, taasi oo la filayo in Sanadka soo socda ee 2020 Go’aan ay ka gaadho Maxkamada u taal Holland.



Waxaan welli lala xisaabtamin madaxdii hore sida Sh Shariif iyo Xasan Sheekh kaalinta ay ku lahaayeen saxiixyo kale oo lagu gatey hantida qaranka.

Sawirka qosolka leh haddana runa

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS