27/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Safiirka Maraykanku goormuu saxan yahay

Dawlada Somaliya ayaa beenisay in safiirka Maraykanka u fadhiya Kiiniya uu Muqdisho yimi lana kulmey madaxweyne Farmaajo una sheegay inuu ka baxo dacwada badda e taala Holland.



Hadaa isla safiirka oo warkaasi ka sii daba qaatey ayaa sheegay in aanu la kulmin madaxweyne Farmaajo laakiin uu sheegay inuu arkey lataliyeyaalkiisa taas oo ka dhigan inuu fariinta gudbiyay.

Fariintaas oo ahayd in Somaliya ku dhamayso arinta badda wadahadal ay Kiiniya kala gasho, taas oo cad in Somaliya diidey una sheegtay in shaqadiisu tahay Kiiniya.



Hadaba hadalka safiirka uu ku beeniyay inaanu la kulmin madaxweyne Farmaajo waxba iskama bedelin maadaama uu la kulmey latasliyeyaalkiisa. Waxa hadda si cad noogu cadaatey in Maraykanku la safan yahay Kiiniya ayuu yiri Cali Calasow.

”Waxa taas kuu cadaynaya sida uu u hadley asagoo adeegsanaya sheekada raqiiska ah ee ah haddii Somaliya iyo Kiiniya is dagaalaan ay argagixisadu a faaiideysan doonto ama soo hubeyn doonaan.



Hadda waxa laga baqayaa in la musuqo oo la rogo dacwadaasi Somaliya guusha ka soo hoynayso ayuu yiri Cali Calasow

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS