Madaxweynaha Ruushka Buutin iyo madaxweynaha Turkiga Erduqaan ayaa magaalada Sooji ee dalkaasi Ruushka ku gaaray heshiis muhiima oo dib u soo celinaya xornimada Suuriya. Labada madaxweyne oo muddo 7 saacadooda shir ku jirey ayaa ugu dambeyn heshiis isla gaaray.
Heshiiska ayaa dhigaya
In milateriga booliiska Ruushka iyo ciidanka Suuriya ilaalin doonaan inta ka soo hadha goobta uu Turkigu doonayo inuu ka sameeyo aag u go’an dadka qaxootiga ah.
Dalkan lagu murmayo ayaa ah dalka Suuriya oo ay burburiyeen xoogag ay ku jiraan Turkiga iyo argagixiso ay taageersan yihiin Yuhuuda, Maraykanka iyo Sucuudiga.
Maraykanka ayaa raba in Suuriya dib u helin saliideeda fadhida bariga Suuriya oo intooda badan ay gubeen argagixisada iyo Maraykanku si dalku baahi ugu Jiro.
Heshiiskan ayaa la filayaa inuu ka cadhaysiiyo xagjir Taram oo isku dayi doona inuu ka soo horjeedsado waxase cad in Ruushku joogo Meesha oo aanu fooda soo gelin doonin.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS