November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Sucuudiga oo dilkii suxufiga Jamaal Khashuuqi shan u xukumey

Kadib dilkii foosha xumaa ee Sucuudigu kula kacay saxafiga Jamaal Khasuuqi ee adduunkuna aadka u cambaareeyay ayaa manta maxkamad qarsoon ayaa dil u xukumeen 5 ka mida raggii ay direen.



Sucuudiga ayaan sheegin magacyada ragga uu dilka ku xukumey iyo goorta ay fulin doonaan dilkaas. Saxafi Jamaal ayaa dilka kadib jirkiisa la jarjaray kadibna bulaacada la raaciyay.



Waxa hadalkiisii u dambeeyay uu ahaa ”xiiq ayaan leehay naqaska ha igu dhejinina iyo ragga uu soo direy Maxamed Salmaan oo leh waan naqaanaa sida nafta looga jaro.

Waxa kale maxkamada qarsoon ka sheegeen in sadex kale lagu xukumey xabsi gaaraya 24 sanno. Qoyska saxafiga ayaan ka qayb gelin maxkamada waxase joogey safiiro reer galbeeda oo la iska dhisayo.



Ujeedada maxkamadan qarsoon ayaa ah in safi laga dhigo ninka amarka bixiyay ee Maxamed Salmaan aya qabaan garyaqaanada caalamigaah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS