X

Aalada caanka ah ee Whatsapp oo sabab u noqotay furiinka haweenay u dhalatay dalkaasi Sucuudiga..Warbixin

Sucuudigu waa wadamada ayna haweenku xor ahayn ee ayna xataa gaari kaxayn karin waxana lagaga dhaqmaa dhaqan loo yaqaan Wahaabiyad iyo Salafiyad oo labaduba ah kooxo diimeed iyagu u haysta inay saxan yihiin kuwa kalana qaldan yihiin.

Dalka sidaasa ee dumarku ayna xaq lahayn waxa ku badan tacadiya lagu hayo iyo furiinka iyo hinaasaha waliba kan ragga waxana taasi ka daran in casriga internet-ka iyo baraha bulshada ay sii kordhiyeen hinaasaha.

Haweenka ayaa inta badan ku baxa wajiga oo qarsoon iyo maro madow oo loo yaqaan cabaayad oo dhaqan u ah taasina waxay sii kordhisay hinaasaha. Ninka arintan foosha xun fuliyay ayaa lagu soo waramayaa inuu xaaskiisa soo wacay dhawr jeer oo ay ka qaadiwayday telefoonka.

Kadib wuxuu is yiri miyaa u dirtid fariin qoraal isagoo istcimaalaya aalada whatsapp oo kuu sheegaysa in qofkii akhristey fariintii. Hase yeeshee jawaab ayuu ka waayay wuxuuna ku dhaqaaqay ilaa gurigii wuxuuna u yimi hawenaydiisii oo telefoonka ku hadlaysa wuxuuna ku yiri maxaa iiga jawaabi wayday telefoonka iyo fariintii qoraalka ah ee aan kuu soo diray.

Haweenaydii ayaa ku tiri waxaan ku hadlayay telefoonka oo waxaan la hadlayay saaxiibtey. Cadho darteed ayuu ku furay halkii.

Warbixin ay diyaarisay RT waxana soo koobay Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.