Iyadoo Maraykanku sheegtay inuu Iiraan ka qafaashay maraakiibtii ugu badneyd shan cisho kahor, ayaa waxa warkaas beenisay dawlada Iiraan gaar ahaan wasiirkeeda saliida oo sheegay inaan maraakiib ka maqnayn.
Iiraan ayaa bishii hore saliid u dirtey dalkaasi Finansuweyla ee Maraykanku saaray cunaqabataynta, maraakiibtaas saliida waday ayaa si caadiya u tagey dalkaasi, ayadoo Maraykanku ku dhici waayay inuu qafaasho.
” Maraakiibtaas Maraykanku sheeganayo inuu qafaashay anagu ma lihin iyo waxa saaranba waase hanti ay leedahay Finansuweyla ayuu yiri wasriirku. Saliid aan ka iibinay dalkaasi ayaa saarneyd maraakiibtaas markaa waa hanti ay leedahay Finansuweyla.
Maraykanka ayaa sheegay maalmo kadib in dawlad shisheeye ka caawisay qabashada maraakiibtan markay marayeen badda caalamiga kadibna loo weeciyay deked ku taala Maraykanka. Ma sheegin cida dawladaas ahayd.
Afarta maraakiib ee la qafaashay ayaan xoog loo isticmaalay laakiin lagu fuuley si dadban oo aan dhiig kui daadaan.
Rashiid CeelaAnyo
ARAABINEWS