Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Cabi Axmed oo isku shaandheyn ku sameeyay dawladiisa xilli Jawar sheegtay inuu buko

Raiisal wasaaraha dalkaasi Itoobiya ayaa isku shaandheyn ku sameeyay dawladiisa. Wasiirada la magacaabay waxa ku jira difaaca oo lagu bedelay madaxweynihii hore ee gobolka Oromada oo la safan Jawar Maxamed oo xidhan.



Hogamiyaha ururka dhaqdhaqaaqa Oromada Jawar Maxamed oo xidhan ayaa shaalay sheegay inuu si xun u buko isla markaana aanu arki karin dhaqtar dawladu wadato, ee loo diro dhaqtar isaga u khaasa.

Wuxuu kaloo codsaday inuu muuqaal ahaan ula hadlo qoyskiisa jooga Maraykanka isaguna bixiyo kharashka.



Isku shaandheynta

Cabi Axmed ayaa isku shaandheyn balaadhan ku sameeyay dawladiisa xilli inta badan dawlada ay mucaarad ku yihiin Oromada Jawar uu hogaamiyo iyo Tigreega oo isku daawanaya Jawar iyo Cabi Axmed.

Wasiirada la magacaabay waxa ku jira difaaca, Sayniska iyo waxbarashada sare, xeer ilaaliyaha, macdanta iyo batroolka, iyo la taliyaha raiisal wasaaraha.



Kadib dilkii heesaagii reer Oromo waxa Oromadu hilfaha u qaaday dadka Itoobiyaanka ee la degan qaasatan Oromada gaalada oo ay si xun u dileen, hantidoodana dhaceen.

Intaas wixii ka dambeeyay waxa welli jira rasaas ka dhacda magaalooyinka waaweyn iyo banaanbaxyo la qaban qaabiyo maalmaha qaar sida maanta oo kale.



Muranka ugu weyn ee u dhexeeya Oromada oo xukunka haysa ayaa ah in la sii wado federaalka iyo in la tirtiro gobolaysiga oo dawlada dhexe xukuka hayso, inkastoo nidaamka hadda jira uu iska yahay mid dawlada dhexe awooda leedahay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...