Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Aniga xaaskeyga iyo caruurtu isma aanan arag muddo lix bilooda: Askari u shaqeeya dawlada; SABAB

Naasir Cabdiraxmaan oo kamid ah Ciidamada Militeriga Somalia ayaa si qarsoodi ah ula hadlaty saxaaafada isagoo sheegay sababo badan oo uu u arki waayay xaaskiisa iyo caruurtiisa isagoo shaaca ka qaaday in aanu arag wax mushara muddo ka badan lix bilood.

Waxa uu sheegay in dalka uu kaga sugan yahay furunta dagaalka islamarkaana uusan helin nasiino iyo mushaar, taasina ay sabab u tahay is dabamarinta ka taagan Xarumaha Dawlada.

Naasir Cabdiraxmaan ayaa xusay inuu lahaa xaas iyo carruur Afar ka kooban, balse ay ku kala irdhoobeen bixin la’aanta Mushaarka uu xaqa u leeyahay, waxa uuna carabka ku dhuftay in Xaaskiisa iyo Awlaadiisa uu u waayay dhaqaale, sidaa awgeedna ay ku kala tageen.

‘’Walaal aniga iyo Ciidamo farabadan oo ila shaqeeya ma helin xuquuqdeena muddo 6-bilood, ma jecli inaan soo bandhigo dhacdooyinka aan la kulmaayo balse waan ku qasbanahay inaan ka hadlo. Aniga nolosheydu waxa ay ku tiirsan tahay mushaarka Dowlada aan ka qaato laakiin nasiib darro Lix bil ma arag wax mushaar ah, wey jiraan Ciidamo si qarsoodi ah loo siiyo mushaarka’’

‘’Maalintii aan qortay Ciidanimada kama aan fiirsan waayo hadii aan laga xishooneynin lunsashada xuquuqda ciidamada ku jira furumaha dagaalka waa ii ayaan darro. waayo waxba iima harin hadii aan bixin waayay qutulyoomka carruurteyda maxaa igu waajibay ?’’

Naasir Cabdiraxmaan waxa uu dawlada Somaliya gaar ahaan Wasaarada Gaashandhiga, Taliyayaasha iyo Taliye xigeenada Ciidamada Militeriga ugu baaqay inay garwaaqsadaan dhibaatada ay ku hayaan Ciidamada.

Wuxuu faarujinta furumaha dagaalka uu sabab uga dhigay Dowlada Federaalka oo aan bixineynin xuquuqda Ciidamada, balse Ciidamaduna aysan ku shaqeyn karin Mushaar la’aanta sida uu hadalka u dhigay.

Ugu danbeyntii dawlada Somaliya ayuu ku booriyay hadii aysan daacadnimo ku dhaqi karin Ciidamada ay u sameyso barnaamijyo lagu bixinaayo raashiin, si qoyskooda ay ugu sugaan Mushaarka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...