Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Xeebta caanka ee Riviyera ee dalkaasi Faransiiska oo loo xidhey boqorka Sucuudiga iyo dadkii deegaanka oo qayliyay

Boqorka Sucuudiga iyo dadka la socda ayaa fasax u joogi doona xeebta loo yaqaan French Riviyera ee ku taal magaalada NICE ee dalkaasi Faransiiska halkaas oo ay ku yaalaan huteelo iyo meelaha laysku duugo iyo raaxoo oo dhan ayaa loo baneeyay boqorka Sucuudiga ee lagu sheego in uu yahay ilaaliyaha labada Xaram. Dadkii deegaanka ayaa arji ay qorteen oo ay ku saxiixan yihiin dad gaaraya ilaa boqolkun waxay kaga cawdeen in ayna mari Karin xeebtoodii iyo dalkoodii.

Haweenay ayaa tiri way fiican tahay in la ilaaliyo laakiin waa in uuna sharciga ka sarayn xataa hadduu malaayiin doolar haysto.

Boqorka Sucuudiga oo dagaal iyaga urur diimeedkooda Salafiga u gaara kula jira shacabka Yaman ee fiqiirka ah ayaa la filayaa in ay malaayiin doolaar ku bixiyaan inta ay joogaan xeebtan.

Boqor Salmaan ayaa xeebta looga dhisayaa wiish ka qaada huteelka uu degan yahay taas oo gaynaysa xeebta..dadka ayaa ka cabaaday wiishkaasi inkastoo uu balanqaaday in uu dib u furo marka fasaxu u dhamaado. Sawirka hoose fiiri.

_84490151_028301262[1]

Boqor Salmaan ayaa waxa la socda kun qof oo ah qoyska balaadhan ee reer Sucuud oo haweenka lagu dhex gumeysto,,waxayna soo raaceen laba diyaaradood oo ah kuwa rakaabka loogu talogalay. Lacagta ay isticmaalayaan ayaa ah tii saliida oo xisaab la’aan ay isticmaalaan.

Maayerka magaalada ayaa warqad u qorey madaxweynaha Faransiiska waxase muuqata in aan cidi dheg jalaq u siinayn iyadoo degmada uu ku soo degay boqorku ay noqon doonto degmo ku taajirta labada usbuuc ee boqorku joogo,,taasina xilligan ka weyn tahay xoriyada iyo sharci kala dambeynta iyo isqiimeynta ay sheegtaan Faransiisku.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM nagala soo xiriir araabimedia@gmail.com

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...