Friday, April 19th, 2024
header










Meta







Aqalka sare culeys dhaqaale mooyee faaiido uma laha qaranka: WARBIXIN

Waxa isa soo taraya dhawaqa ah in dalka laga baabiiyo waxa loogu yeero aqalka sare oo haba yaraatee aan wax faaiido ah ugu jirin ummada Somaliyeed. Aqalka sare ayaa la meelmariyay dhamadkii fadhiid Xasan Sheekh asagoo cod ka raadinaayay wuxuuse geliyay dalka dhaqaale aanu qaadi karin ayuu yiri Cali Calasow.



Sheekada aqalka sare ayaa waxa hor kacaayay horjoogihii Butlaan ee Faroole asagoo rabay kuraas badsi, waxana qalinka ku duugey Mahiiga iyo Shekh Shariif halka fadhiid Xasan Sheekh hirgeliyay ayuu raaciyay Cali Calasow. Waxayba la baxeen magaca Sinayt oo laga soo minguuriyay Maraykanka aan ka turjumin astaan Somaliyeed.



”Waxaad is weydiin kartaa faaiidada dhaqaale ee dalku ka helayo koox la magacaabo oo fadhiga ku cunta cashuurta hooyada aan la daryeelin laga qaado. Waxaa kaloo is weydiin kartaa goorma ayaa Somaliya qaadatey nidaamka dhiciska ah ee Maraykanka, Somalidu ma keensan karto miyaa nidaam iyagu leeyihiin ayuu qabaa Xuseen Warsame.



”Waxaan aad uga xumahay in madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ayna haba yaraatee dhaqaajin dib u eegista kuraasta golaha shacabka iyo kala dirista sheekada aqalka sare, si dadku u helaan dawlad ay ku kalsoonaan karaan ayuu yiri Cali Calasow

Ma arko hogaamiye wax ka bedelaya nidaamka fashilka ee dalku ku sugan yahay inuu welli soo baxay ayuu yiri Xuseen Warsame laakiin laga hadhi maayo ilaa dadku helaan dawlad ay aamini karaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...