Friday, July 26th, 2024
header










Meta







Aragtidayda Daaran Qulqulatooyinka Siyaasadeed ee Kusoo Kordhay G/galbeedka S/Land: Qalinkii Mohamed Mahamoud Shirdon.

Dhamaan waxan Salaamayaa Dunida Islaamka ,marka xigta waxan Salaamayaa Dadka ku hadla Luqada Somaliga, waxanan si gaara u Salaamayaa Shacbiga S/land ee Sharafta leh, ugu Danbayn waxan salaan Qaaliya Hawada u marinayaa Shacbi waynaha kasoo jeedaa Gobolada galbeedka S/land Dhamaantood waxan ku Salamayaa salaanta Islaamka, ASALAAMU CALAYKUM WA RAXMA TULLAAHI TACAALAA WA BARAKAATUHU .

*****Intaa haddii aan kaga baxo Guud mar Salaaneed, waxan maanta Qalinka u qaatay inaan in yar is Dul taago Xaaladaha baryahan danbe, kasoo Cusboonaaday Gobolada galbeedka S/land intii garashayda ah, iyo intuu Qalinka ila gaadhaba ee macquul ah .

*****Marka hore waxa Haboon in la xuso maxaa Xaaladan Keenay? maxayse Daarantahay? taas waxan Filayaa inay tahay wax laga wada Dharagsanyahay Meeshan heshiis ayay Beelaha Darafyadu la galeen Beesha Dhexe heshiiska oo aan markiisa Horeba heshiis Halbooliyi nirig xalaala ma dhasho ahaa oo aan Xalaal ahayn oo ahaa Heshiis Xaaraan iyo in la Sadbursado ku Salaysnaa ayaa Hadana waxa Dhacay Halkii uun laguma Joogiina Xaalku waxa uu Noqday Abeeso Far loo taagay fanaxa ayay u boodaa. Damaca waxa la yidhaahdaana haddii uu kula Fogaado, Heer waxa uu gaadhaa (Damac Doqon) loogu yeedho waa marka uu Dhaafo xuduudii u Lahaa, waxan si Buuxda uga wada Dheregsanahay. inaga oo aan waxba is Xasuusinayay oo Saxaafada Saxda u Adeegta, Noocyadeeda kala Duwan aan kala Soconaa sida ay wax u Dhacayaan .

*****Waxan isku Dayaynaa inaan Qodobayno, intii Awoodeena ah . si aan Dadka ugu Qalno waxan Dhacaya Jihada ay u socdaan, iyo waliba nooca xukuumadu. ay u abaartay, iyo doorkii looga baahnaa, inay arinkaa u Gasho iyo waliba Siyaasiyiinta ama Oday Dhaqameedyadu siday uga Hadlee.

1.Dhacdada Gobolada galbeedka S/land ku Cusub
2.Doorka Xukuumada
3.Doorka Shacabka Goboladaa kasoo Jeeda
4. Doorka Mucaaradka
5.Doorka Salaadiinta Goboladaa kasoo Jeeda.

***** Hadaba inaga oo Qodob walba sidiisa u Falaqayn Doona intii Awoodeena ah .

1.Dhacdada Gobolada galbeedka S/land ku Cusub.

*Marka hore Xiisadani waxay ku Timid Rabitaan Shacab marka Xaqiiqda laga Hadlo ee aan Waxba la iska Indha tirin Dadkuna Rabitaankooda, sidii ay Saxa u arkaan way ka Hadli karaan. Iyaga oo Noocay Doonaan uga Hadlaya, Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar waa Suldaan Sharaf iyo Karaamo ku Dhex leh Shacabka uu Matalo mar walba iyo Meelkasta oo ay Joogaanba waxan uu ku Hadlayaana wax isaga u Gaara Maahee waa Wax lala Wada Dareensanyahay.

Yar, iyo Wayn Caruur iyo, Cirooleba laakiin Muhiimadu waxay tahay Dhamaanteen Dadkeena kasoo Jeedna Gobolada galbeedka S/land ,Maanta waxa Inaga Maqani ee aan ku Doodaynaa waa Xaqeenii Meeye, Taasi waxay Iila Muuqataa, mid aan Wada Hadal ku Dhamayn karno, Aniga oo Qiraya oo aan Indhaha ka Lalinayn, inuu Sadburi Cadaani Jiro marka Dhinac Walba loo Eego inagu waxa aan Leenahay Dhaqan iyo is Ixtiraamka gaara.

Haddii aan nahay Dadka ku Abtirsada Samaroon Saciid Salaandiinteenu waxay inaga Gayaan Sharaf iyo Karoomo Dhamaantood Aniga oo aan kala Saarayn Suldaan Wabar ALLah Cimrigiisa ha Dheereeye, wax buu ka Dhiidhiyay Dadkuna, wada arkayaan. waana Suldaankeenii Dhamaanteenba laakiin Waxan ka wada Dheregsanahay inay Salaadiinteenii Kale ee ay ka Midka Yihiin Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal, iyo Suldaan Baadeba ay Shir Jaraa,id oo ay qabteen, Inoogu Sheegeen inay Hawshaasi meel Fiican u Marayso.

Waxa Inala Da, a ah inaan ku Ixtiraamno, Salaadiinteena oo aan ka War sugno waxan kale oo Mudan Inaan Xuso, Inaga oo Dadkii ugu Mudnaa S/land ah inaan Gacmeheena ku Burburino ma aha ee mar walba Somaliland waxay Kusoo Caano maashay, wada Hadale inaan ku Dayno wada Hadal oo ka Fogaano Wixii inaga iyo Walaalaheen, Dalka iyo wada Dhalashadu inaga Dhaxayso ayaa muhiima.

2.Doorka Xukuumada.

*Xukuumadu waa hadalkii Cali Guraye marka Geela loo Heeso ayay Gorayo u Heestaa, iyada ayaa ka Masuula wax walba oo Halkaa kasoo Baxa Waayo waxad is Odhan Kartaa marka aad Caqliga Miisaanto Iyada ayaa kala Fogaynta iyo kala Gaynta u Aabo ah ma wax aad Aragtay Meel uu Mudaraad ka Dhacay oo Markaaba Ciidamada Gaarka ah ee RRU da inta loo Diro waliba Dhalinyarta Xabad lagu rido waxaasi wax la qaadan Karo Maaha wixii Laga Filayayna Maaha.

Xukuumadan Silaanyo uu Hogaamiyo inaga Dhamaanteen Bari iyo Galbeed waxa aan horumar ku Gaadhaynaa inaan wada Hadal ku dayno Maanta iyo Nlosheena Danbe toona inooma Wanaagsano inaan xabad iyo wax la mid ah Shacabkeena Sharafta leh u Adeegsano waayo Madaxwaynaha maanta Fadhiyaa dalka inqilaab milatari kuma Qabsan waxa uu ku Qabsaday One Man One Vote

markaa waxa haboon inaga oo Dimuquraadiyada halkaa ka Gaadhnay inaan Xabad Hadana Shacabka Gobolada galbeedka S/land loo Adeegsado waxan u arkaa Nasiib daro oo ah waliba Dadkii ugu Mudnaa uguna Aqoonta Badnaa uguna Xadaarisanaa, waanan uga Tacsiyadaynayaa, Bil xaqiin Xaashaa lilaahi maahayn, in sidaa iyo si u Dhaw toona loola Dhaqmo, waxan Xukuumada aan u Sheegayaa ugana Digayaa inay Ciidamada Sifaha Xaaraanta ah ku Jooga inay kala Baxdo intii hore ee Joogtay Mooyaane.

Meeshu maaha Qandahaar ama Daafuur waa Gobolada ugu nabada Badan S/land haddii ay kala bixi waydo Xukuumadu iyada ayaa Masuul ka Noqon Doonta waxa kasoo baxo Xaalkuna waxa uu noqon Doonaa, maan Filayn inay sidan u daba Dheeraanayso waa inoo Dal la,aan Dhamaanteen. haddii Talaabadaa sida ugu Dhaqsaha Badan Looga noqon waayo Bal waxad qQimayso Dumar Hooyooyina oo Subaxii Suuqa u shaqo tagaya, iyo Aabayaal hadana Habeenkii markii ay soo Guryo Noqdaan Ciidamo ay Dul Wareegayaan waliba Argagax ku Abuuraya, iyo Caruurtii oo Sexan lah Meeshu ma Xero Milataribaa? Jawaabtu waa Maya. waa Bogcadii Barakaysnayd ee Borama markaa Fadhigaa la inooga Wanaagsan ayaan ku Talin lahaa.

3.Doorka Shacabkaa Goboladaa kasoo Jeeda

*Shacabka Goboladan kasoo Jeeda oo ah Dad Aad iyo aad u Sharaf badan ayna Mudantahay in lagu Daydo sida ay Mar walba iyo Meel walba oo ay Joogaan uga Shaqaynayaan, Wanaaga waxan Odhan lahaa Aduunkan wax inaga Xumaanayaa ma Jirto marka uu Caqliga Wanaagsani Shaqeeyaa waa marka Jawi Nabdoon lagu Jiro, Shaqsi walba oo Aduunkan ku Nool Khalkhalka iyo Dhibta looga Wanaagsan waan Arkayaa Sidaan kor kusoo Xusay Cadaalad Daro Baahsani ,way jirta waliba Cadaalad Daro lama Odhan karee Waxa jira meesha xitaa Magaca Cadaalad Daro in la Agdhigo u Qalmin laakiin inaga aan is Dayno Mar walba iyo Meel walba oo aan Joogno posative side. is taagno Waxani wax sii Wayn Maaha Kaliya Waxay u Baahantahay inaga si Buuxda u Gorfayna islana Afgarana inaga Dhaxdeena inaga ,oo isku Duubana wixii inaga Maqan, si isku mida u raadin karno waxan ku Kalsoonahay Maskaxdeena iyo Aragtideena Dadkan, aan Ood Wadaag Nahayna waxan isku Diidi Karnaa ma jirto laakiin Dalkeena, aan Mudo 20 sano ka Badan Xoogeenii iyo Caqligeenii Galinay yaynaa si yar oo fudud ku burburin.

4.Doorka Mucaaradka.

*Mucaaradka waxan leehay Xaaladani idinka waxa idiin wanaagsan inaad si dhaxdhaxadnimo ku jirto uga hadashaan waayo ma haboona wixii dadlkeena saamayn ku leh inaad ku hadaaqdaan waxyaalaha aan aadka ula yaabay waxa ka mid hadalkii kasoo yeedhay gudoomiyaha Faysal Cali Waraabe ee xisbiga ucid ma haboono hadalada qaar inaad ku hadaaqdo adiga oo gudoomiye xisbi ah waana laga haboonyahay xataa adiga shaqsi ahaan ayaan u weerartay suldaanka abiibakar oo waxa aad tidhi sxb ayaan nu ahayn oo ninkaa waligiiba waa lagu xaman jiray hadalkaa waan ka xumahay inaad sidaas oo kale aad u hadasho gobolka Selel ee aad leedahay soo dega dadka jabuutaw wax kuu haboon maaha sharaftaada waliba sidaa waxad tahay nin cod raba meesha dad ayuu ALLAH ku abuuray dadkaa ayaa soo degaan waligood imika degan , deganaana doona ilaa suurta laga afuufayo wax badan xeeri marka aad hadlayso wax aad tahay nin wayn nin wayn oo uu hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday beelaha walaalaha ahna afka ha isugu dhufan wax lagaa aqbalayna maaha

Dhinaca kale boobe yuusuf ducaale oo arintan wax laga waydiiyay waxa uu uga hadlay si ay ka muuqatay inuu wax yaraysanayay boobe waa nin siyaasiya suldaankuna waa nin beel hogaan u ah keebaa miisaan badan waa la yaqaanaa micnaha siyaasi s/land joogaa maanta uu ku fadhiyo waa naqaanaa boobe inta urur ee uu marba ka baxayo ama xisbi halkaa waxa kaaga cad boobe inuuna ahayn nin ku culus siyaasada s/land waa laf jab inaad si milgihiisa ahayn aad uga hadasho nin suldaana oo qiimo leh oo shaqsiyan kaa qiimo badan suldaankana waan uga tacsiyadaynaa hadalkaa kasoo baxay boobe iyo waliba wasiir cadami oo isna ku hadlay wa aan aad ula yaabay oo yidhi kanadiisi uu ka yimid ayuu ku noqon iyo wax aan aad ula yaabay waa nasiib daro suldaanku kanada aad sheegayso uma dhalan ee halkan ayuu u dhashay anaga ayuuna naga dhashay anaga ayaana wixii saxan u sheegayna wixii uu ku qaldanyahayna ka qabanayna Nina ninkiisa looma dhaafo adiga cadami gobolada qaraabadaadu degantahay adiga oo ah waliba wasiir gaashaandhiga ee s/land maxaad wax uga qaban wayday tiisaba dar yeele ayaa tu kale ku dara intaa ayaan adiga ku leehay waan ka xumahay maan jeclayn inaan ashqaas qoraalkaykayga kusoo daro laakiin waxan ka adkaysan waayay hadalada aan loo meel dayin ee la iskaga dhaawaqayo.

5.Doorka Salaandiinta Goboladaa kasoo jeeda .

*Salaandiinta aad u qiimaha badan ee kasoo jeeda G/galbeedka S/land waxay maanta inoo hayaan hawl wayn oo muhiima hadii aan nahay dhamaan dadka S/land oo dhan waayo meel walba oo ay shaqaaqo ka hurdo marka ay xukuumadu u maaro waydo salaadiinta samaroon ayaa dabkaa damiya bari iyo galbeed guud ahaan gayiyiga S/land taasina waa tu ay dheer salaandiinta la shaadhka ah waanan ugu hambalaynayaa run ahaantii waa dad caqli saliima leh illaahayna ku manaystay garasho fog waana wax loogo bartay wayna hiddo socdaan oo waligeedba guurtida gadabuursi ee golaha dhaqanka waxa lagu yaqaanay inay si sax ah oo ay daacadnimo ku jirto u fakaraan waxanan leehay tanina wayba kasii xagjirtaa oo iyaga dhaxdoodii ayay ka dhacday waan ku kalsoonahay inay u dhamayn doonaan si mug leh oo dhamaanteen Inaga wada farxisa bari iyo galbeed guud shacabka S/land waa haddii ay xukuumadu qoriga dadbkee ay la agwareegayso ka joojiso oo ay dib isku garato.

Guntii,Gebogebadii& Gunaanadkii.

*Waxan kusoo Gunaanadayaa inay wax walba sida aan Rabno ay Noqdaan inagoona Cidna wax Dhibaata u gaysan waxanan isku Dayaynaa inuu caqligeenu si buuxda u fakaro oo aan Dhexdeenana isku duubni muujino taladana inaga la inooga Danbeeyo ,Muhiimadu wataa waxa ay dadkani ku ,Toshanayaan cid kale loosoo Waaridi Maayo, waa wax iyaga ka go,a haddii ay Qalad tahay iyo haddii ay sax tahayba Dhamaanteena isku Duubni Guud ,ayaa inoo Muhiima, taas ayaa mar walba iyo meel walba oo aan joogno ina Anfaci doonta Mustaqbalkeenana hore u wadaysa xaqiiqda Biya kama Dhibcaankiin taas weeyi.

.Ballanteenu waa Horumar &hami fog.
.Ballanteenu waa Himilo wacan &hiigsi dheer.
. Ballanteenu waa han sare & hadaf cad.

Mohamed Mahamoud Shirdon.

Switzerland.

Email:Awdal04@hotmail.com.

Nooli kulantee.
Wabillaahi Tawfiiq.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...