21/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixisada Daacish oo diyaarad ay leedahay Urdun ku soo dhacday dhulka ay xukumaan iyo bayloodka oo la filayo in la gawraco

Raqqa 24 Dec 2014–Argagixisada sunta ah ee Daacish ayaa diyaarad ay leedahay dalka Urdun ku soo dhacday dhulka ay xukumaan iyo bayloodka oo ay qabteen waxana la filayaa in bayloodka qoorta laga jaro.  Sida lagu arkay muuqaal ay soo galiyeen argagixisada Daacish oo ah ayaa lagu arkay baylood afka dhiigaya markii diyaaradii la dhacday. Lama garan karo in diyaarada cilad gashay iyo in argagixisadu soo riday.

Wadamada cirirbtiraya argagixisada khatarta ku ah dadka bani aadamka ah ayaa ka walwalsan hubka ay haystaan argagixisadu oo inta badan ah hubki laga bililiqaystay ciidamada cirka ee Siiriya xilligii Maraykanku rabay inuu duqeeyo Siiriya. Dawladaha ayaa hadda aqoonsaday khatarta ay leedahay argagixisadan iyo hubka gacanta u galay.


IS[1]IS11[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS